Somaliland oo Shaacisay inay Dagaalka Laascaanood Qayb ka yihiin Ciidan ay Tabobbareen Imaaraadka iyo Maraykanku

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Laascaanood tan iyo bilawgii sannadkan, ay hadda qayb ka yihiin Ciidammo ay Dowlad-goboleedka Puntland u tabobbareen dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Maraykanku.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa War-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay ogaatay in Ciidammada ilaalada Xeebaha Puntland ay dowladda Imaaraadka Carabtu u tabobbartay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood, halka kuwo Maraykanku u tabobbaray Puntland iyo Soomaaliya ay hore uga qaybqaateen dagaalka magaalada Laascaanood ku dhexmara Ciidanka Millateriga Somaliland iyo Maleeshiyo-beeleedyo garabsanaya Ciidammada Puntland iyo kooxo kale.

Haddaba, Warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa baaq loogu diray dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka oo labaduba xidhiidh saaxiibtinnimo iyo ganacsi la leh Somaliland inay si dhaw ula socdaan qaabka Puntland iyo Soomaaliya u adeegsanayaan Ciidammada ay u tabobbareen in lagula dagaallamo argagixisada iyo Budhcad-badeedda.

Warka oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-