“Innaga Waxaa Naga Go’an Inaan Xoogga Saarno Sidii Aan Kusoo Qaban Lahayn ,..Ismaciil C.Geele

Jabuuti(Aftahan News)Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay maqaayad cunnada laga cuno oo ku taalla bartamaha magaalada Jabuuti, isagoo weerarkaas qarax si adag u cambaareeyay kuna tilmaamay mid argagaxiso.

download (2)

Qaraxan ayaa sababay geerida saddex qof oo laba ka mid ah la sheegay inay yihiin kuwii weerarka fuliyay oo wiil iyo gabar ahaa, 15 ruux oo kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen, iyadoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkan waana mid lagu doonayo in car-qalad lagu geliyo kaalinta ay kaga jirto hannaanka iyo geedi-socodka nabadeynta iyo xasilloonida gobolkan Geeska Afrika,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka maanta oo Axad  ah kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Jabuuti.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan argagaxiso ee aan cidna loogu aabbo-yeelayn aanu ka horjoosanayn dowladda Jabuuti go’aankeeda ku aaddan inay mar walba beesha caalamka kala qaybqaadanayto dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

“Innaga waxaa naga go’an inaan xoogga saarno sidii aan kusoo qaban lahayn kuwii soo abaabulay weerarkaas argagaxiso,” ayuu madaxweyne Geelle ku yiri warka ka soo baxay xafiiskiisa, isagoo intaa ku daray inuu tacsi u dirayo ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, kuwii dhaawcmayna wuxuu Alle uga baryayo caafimaad deg-deg ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 15-ka qof ee dhaawacmay ay u badan yihiin dad ajnabi ah, kuwaasoo aan weli si cad loo sheegin dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo dalka ay u dhasheen labadii qof ee fuliyay weerarka, isagoo diiday in labadan qof la dhahi karo hadda Soomaaliya ayay u dhasheen.

“Ma garanayno dal ay u dhasheen labadan qof, balse waxaan haynaa sawirradooda waxaana ku gudo-jirnaa sidii aan ku ogaan lahayn dalka ay kasoo jeedaan,” ayuu ku yiri wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Jabuuti.

Suxufiyiinta ayaa weydiiyay su’aal ahayd in warkii xalay ay soo saartay dowladda Jabuuti lagu sheegay in labadan qof ay Soomaali yihiin, ayaa arrintaas si xooggan u diiday, isagoo sheegay inaan la oran karin waa Soomaali, welina uu socdo baaritaan lagu ogaanayo dhalashooda.

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay in arrintan lagu deg-dego oo la yiraahdo markiiba waa Soomaali labadan qof ee is-qarxiyay, sawirradooda waa kuwan marka uu soo dhammaado baaritaanka ayaana saxaafadda u soo gudbin doonnaa dalka ay kasoo jeedaan,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in labada qof ee is-qarxiyay ay ahaayeen wiil iyo gabar iyadoo la sheegay in gabadhu ay xirnayd indho-shareer, waxaana markii uu qaraxu dhacayay ku sugnaa maqaayadda dad badan oo ajnabi ah.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa haddana la xusuustaa in Jabuuti ay ciidammo nabad ilaalin ah kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo Al-shabaabna ay horay ugu goodisay inay weerarro la beegsanayso dalalka ay ciidamada AMISOM ka socdaan.

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland

Xigasho Hiiraan Online