UCID iyo Waddani oo Maxkamadda Sare uga Digay Abuurka Khaliif Kale oo Doorasho iyo Doonista Xukuumadda

Hargeysa (aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa Maxkamadda sare ee Somaliland ug digay inay abuurto khilaaf kale oo la xidhiidha doorashooyinka muddo dhaafay ee madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda.

Khilaafka la xidhiidha doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda, ayaa Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland isku hayeen tan iyo sannadkii hore. Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa ku adkaystay in la soo horreysiiyo doorashada Ururrada Siyaasadda iyo xisbiyada hore u jiray ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, maaddaama oo shahaadada Xisbiyadu dhacaysay 26 December 2022. Haseyeeshee, UCID iyo Waddani, ayaa ku doodayey in doorashada madaxtooyadu soo horreyso sharci ahaan maaddaama oo muddadii la doortay Madaxweynaha dhammaanaysay 13 November 2022-kii.

Balse, muran iyo isdiiddooyin siyaasadeed oo aan xal loo helin illaa hadda, waxaa xilligaa Xukuumaddu furtay Ururrada Siyaasadda, iyadoo ay soo gudbeen 10 Urur Siyaasadeed iyo Saddexdii Xisbi ee hore u jiray. Waxaana Maxkamadda Sare soo saartay qaraar ay ku sheegtay in la is waafajiyo doorashada Ururrada oo ay soo jeedisay in toos loo galo, halkii doorashada dowladaha hoose lala qaban jiray, balse sharcigii hore ee wax ka beddelkaa lagu lifaaqi lahaa waa la isku Khilaafay, illaa haddana lama dhammaystirin qaraarka Maxkamadda Sare soo saartay sannadkii hore.

Haddana, waxa cusub Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maxkamadda sare u gudbiyey shalay codsi ay ku dalbadeen inay Maxkamaddu caddayso doorashada madaxtooyada iyo ta Ururrada iyo Xisbiyada midda soo horreysa sharci ahaan iyo waqtiga la qabanayo.

Dalabka Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland u gudbiyeen Maxkamadda Sare, ayey Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ku tilmaameen mid ay Guddigu ku lumiyeen waajibaadka sharcI ee ay masuulka uga yihiin Qaranka oo ah muddaynta doorashada iyo hirgelinteeda farsamo. Waxay UCID iyo Waddani u soo jeediyeen inay waajibkooda dastuuriga ah gutaan, iyaga oo Maxkamadda Sare uga digay inay abuurto khilaaf kale oo dib u sii dhigi kara doorashooyinka aan waqtiga la isla yaqaan la hayn illaa immika ee madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal uu kaga hadlay arrintan soo dhigay cinwaanada uu ku leeyahay baraha Bulshada, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu ku yidhi; “Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu. Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan.

Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan.

Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare!.” Sidaa ayuu qoraakiisa ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inaan waqtigan loo baahnayn in khilaaf hore loo siyaasadeed Somaliland laga abuuro, balse loo baahan yahay xal siyaasadeed iyo doorashooyin la isla oggolyahay.

Waxa uu Faysal Guddiga doorashooyinka u soo jeediyey inay shaqadooda u qabtaan si sharciga waafaqsan oo aan cidina waxba u yeedhin, dalka iyo dadkana ay badbaadiyaan. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu Faysal Cali Waraabe uga digay farogelinta fasiraado sharci oo siyaasadaysan iyo abuurka khilaaf hor leh Madaxweynuhu Kursiga ku sii fadhiyo doorasho la’aan.

aftahannews.com, Hargeysa/Somaliland.

Somaliland: Xisbiyada UCID iyo Waddani oo Maxkamadda Sare uga Digay Abuurka Khaliif Kale oo Doorasho iyo Jawaabta Xukuumadda

Hargeysa (aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa Maxkamadda sare ee Somaliland ug digay inay abuurto khilaaf kale oo la xidhiidha doorashooyinka muddo dhaafay ee madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda.

Khilaafka la xidhiidha doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda, ayaa Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland isku hayeen tan iyo sannadkii hore. Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa ku adkaystay in la soo horreysiiyo doorashada Ururrada Siyaasadda iyo xisbiyada hore u jiray ee UCID, Waddani iyo Kulmiye, maaddaama oo shahaadada Xisbiyadu dhacaysay 26 December 2022. Haseyeeshee, UCID iyo Waddani, ayaa ku doodayey in doorashada madaxtooyadu soo horreyso sharci ahaan maaddaama oo muddadii la doortay Madaxweynaha dhammaanaysay 13 November 2022-kii.

Balse, muran iyo isdiiddooyin siyaasadeed oo aan xal loo helin illaa hadda, waxaa xilligaa Xukuumaddu furtay Ururrada Siyaasadda, iyadoo ay soo gudbeen 10 Urur Siyaasadeed iyo Saddexdii Xisbi ee hore u jiray. Waxaana Maxkamadda Sare soo saartay qaraar ay ku sheegtay in la is waafajiyo doorashada Ururrada oo ay soo jeedisay in toos loo galo, halkii doorashada dowladaha hoose lala qaban jiray, balse sharcigii hore ee wax ka beddelkaa lagu lifaaqi lahaa waa la isku Khilaafay, illaa haddana lama dhammaystirin qaraarka Maxkamadda Sare soo saartay sannadkii hore.

Haddana, waxa cusub Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maxkamadda sare u gudbiyey shalay codsi ay ku dalbadeen inay Maxkamaddu caddayso doorashada madaxtooyada iyo ta Ururrada iyo Xisbiyada midda soo horreysa sharci ahaan iyo waqtiga la qabanayo.

Dalabka Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland u gudbiyeen Maxkamadda Sare, ayey Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ku tilmaameen mid ay Guddigu ku lumiyeen waajibaadka sharcI ee ay masuulka uga yihiin Qaranka oo ah muddaynta doorashada iyo hirgelinteeda farsamo. Waxay UCID iyo Waddani u soo jeediyeen inay waajibkooda dastuuriga ah gutaan, iyaga oo Maxkamadda Sare uga digay inay abuurto khilaaf kale oo dib u sii dhigi kara doorashooyinka aan waqtiga la isla yaqaan la hayn illaa immika ee madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal uu kaga hadlay arrintan soo dhigay cinwaanada uu ku leeyahay baraha Bulshada, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu ku yidhi; “Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu. Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan.

Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan.

Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare!.” Sidaa ayuu qoraakiisa ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inaan waqtigan loo baahnayn in khilaaf hore loo siyaasadeed Somaliland laga abuuro, balse loo baahan yahay xal siyaasadeed iyo doorashooyin la isla oggolyahay.

Waxa uu Faysal Guddiga doorashooyinka u soo jeediyey inay shaqadooda u qabtaan si sharciga waafaqsan oo aan cidina waxba u yeedhin, dalka iyo dadkana ay badbaadiyaan. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu Faysal Cali Waraabe uga digay farogelinta fasiraado sharci oo siyaasadaysan iyo abuurka khilaaf hor leh Madaxweynuhu Kursiga ku sii fadhiyo doorasho la’aan.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Suufi

Geesta Xukuumadda Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Suufi, ayaa duray doodda Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro baahiyey, waxaanu qoraal uu Wasiirka Isgaadhsiintu ku baahiyey biggiisa Facebook, waxa uu ku yidhi;
“Wadaniyow ama Afeef hore lahaw ama Adkaysi Danbe

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa sannad ka hor waxa uu go’aan Xisbi ku soo dhaweeyay Go’aankii Maxkamada Dastuuriga ah ee JSL ay ka soo saartay dacwadii ay u gudbiyeen labo garab oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ku hambalyeeyay Maxkamadda Dastuuriga ah go’aanka ay soo saartay( eeg sawirka hoose),.

Maxkamada Dastuuriga ah ee Somaliland waxay soo saartay go’aan maxkamadeed oo ah in uu dhaqan-gal yahay Xeer 14.2011 kuna sexeexan yahay Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro oo ahaa Gudoomiyihii Golaha wakiilada JSL iyo Madaxwenihii hore JSL Mudane Axmad Maxamad Maxmuud Siilaanyo.

Hadaba qoraalka maanta Cabdiraxman Cirro oo ka mid ah hogaanka Xisbiga Wadani uu ku baahiyay barta Facebook uu ku leeyahay waxay ay muujinaysaa siyaasadaha Xisbiga Wadani ee iska hor imanaya isaga oo Xisbigu hore u sheegay in uu go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ku dhaqmayo imikana eedeeyay Maxkamadda.

Cabdiraxmaan labada goor midkeed saxantihiin?

Cabdiraxman Cirro oo ah Gudoomihii hore ee Golaha wakiilada Somaliland waxa aan moodayay oday yaqaana habka ay hay’adaha Dastuuriga ah u wada sheqeyaan waxase nasiib daro ah in uu qoraalada Hay’adaha Dastuuriga is waydaarsanayaan oo nidaam gaar ah isugu dira uu odaygu Facebook-ga kaga faaloodo.” Sidaa ayuu qoraakiisa ku yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali

Balse waxa la dhawrayaa sida Maxkamadda sare ka yeesho arrinta doorashada ee hortaalla iyo qaabka Xukuumaddu u waajahdo doodda Mucaaradka.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Aftahannews.com Editor
Hargeysa/Somaliland.