Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Ayaa Sheegay Inay Madaxweynaha Ku Kala Aragti Duwanaadeen Qaabka Loo Xaliyo Khilaafka Xisbiga kulmiye

Hargaisa(Aftahan News)— Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay inay madaxweynaha ku kala aragti duwanaadeen qaabka loo xaliyo khilaafka xisbiga kulmiye ka jira. Sidaas waxa uu ka sheegay waraysi uu siiyey idaacadda BBC-da waxanu ugu horeyn u mahadnaqay madaxweynaha mudadii uu la shaqaynayey, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa

dr-omar012s

“Marka hore waxa aan madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayaa mudadii 4 sano ahayd ee aanu soo wada shaqaynay, aniga oo saddex sano oo hore aan ahaa Wasiirka arrimaha Dibada, sanadkii ugu dambeeyayna aan ahaa Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo runtii aanu si wanaagsan u soo wada shaqaynay. Laakiin sida laga wada war qabo waxa baryahanba taagnaa khilaaf aad u weyn oo u dhaxeeyay xisbul xaakimka kulmiye iyo Xukuumada”

“Nasiib darro aniga iyo Madaxweynuhu waxa aanu markaa isku aragti ka noqon kari waynay, qaabka loo furdaamin karo ama loo marayo xal u helida khilaafkaasi loo soo yareeyo ama labada geesoodba la isugu soo dhaweeyo”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen madaxweynaha xalka khilaafka kulmiye.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay inay xil ka qaadistiisu u malaynayo inay salka ku hayso kala aragti duwanaanshaha xalinta khilaafka xisbiga “Xil ka qaadistay runtii waxa aan filayaa in ay arrintaas la xidhiidho, waxaanan anigu aaminsanaa in khilaafka xisbiga Kulmiye lagu soo dhameeyo hab wada hadal iyo nabad galyo ah, hasayeeshee Tartamadii xisbiga Gudihiisa ka jiray, waxa aan anigu la socday Hogaanka  Xisbiga oo aan taageereyay, arrintaasina waxa ay ku soo dhamaatay si wanaag ah oo guul ah” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in xil ka qaadistaasi wasiirkii hore ee ganacsiga ay ahayd ka dib markii uu taageeray hogaanka xisbiga.

“Qoladan Cimrigoodii dhamaaday ee Guddidii Shir-guddoonka Shirweynihii Xisbigu waxay yidhaadeen waxaynu shir ku qabsanaynaa Ambbaasador Hoteel dabeed waxaynu dooranaynaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Xeerka Xisbiga Guddoomiyaha Xisbigu isagaa Ah Guddoomiyaha Golaha dhexe  isagaa ah ninka isugu yeedhaya Golaha dhexe marka la xaqiijiyo Liiska Golaha dhexe waxa Awood u leh in uu yidhaado Guddoomiyaha Golaha dhexe ha la doorto Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,hudheelada la kiraysanyo iyo waxay samaynayaa Guddidii Shirweynaha Xisbigu waxay kaw ka tahay Burburinta Xisbiga KULMIYE” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka Maxamed Kaahin.

Waxaanu intaas ku daray “ Madaxweyne dhibaatada ku haysa iyo dagaalka Xisbiga KULMIYE ee jira ee Wasiiradaadu kow ka yihiin,Dastuurka Somaliland Xilka golaha Wasiirada waxa uu u tilmaamaya Xubinta golaha Wasiirada ahi waxay Madaxweynaha u matashaa Hawlaha uu u xil-saaray,Wasiirada ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar waa dagaale dhinac raac dabadeed xalay loo eryay waxay rabaan in uu KULMIYE u burburo sidii uu bur-buray Xisbigii UDUB”.

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland