Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabis iyo Xil-ka Qaadis Sameeyey

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay masuuliyiin cusub, kuwo horena xilka ka qaaday.

Madaxweynaha, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyeyaashii gobollada Hawd iyo Saaxil, kuwaas oo uu beddelkooda magacaabay. 

Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa u dhignayd sidatan:-“Wareegto Madaxweyne-19-06-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1027062023 iyo JSL/XM/WM/222-1028/062023 uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Gobolada Dalka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Axmed Yaasiin Maxamed faarax
Guddoomiyihii Gobolka Hawd.

Ku: Axmed Maxamed Xaashi Ducaale
Guddoomiyihii Gobolka Saaxil.

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil iyo Hawd. Waxaanan idinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Ceeleeye Xuseen Aadan Xoosh laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi Faarax laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Guuleed Cabdi Cabdillaahi Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.”