Boqorkii 34-aad Ee Beelaha Daarood Oo Lagu Caleemo Saaray Magaalda Qardho+Sawiro

Qardho(Aftahan News) Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Isimo kale ayaa si rasmi ugu Caleemo saaray Boqorka Beelaha Daarood,Aqal Soomaali ka dhisan goobta Munaasabada Caleemo saarku ay ka socoto.

Isimada Caleemo saaray Boqorka ayaa sheegay in Boqor Burhaan Boqor Muuse uu yahay Boqor Soomaaliyeed,ayna ku faraxsan yihiin inay goob joog ka noqdaan Munaasabada Caleemo saaraka Boqorka.

 

Munaasabada Caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa si rasmi ah waxaa uso afmeeray Boqorka Beela Daarood,Boqor Burhaan Boqor Muuse,taas oo soconaysay muddo dhan toban saacadood.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali’’Gaas’’ oo ka hadlay Munaasabada ayaa u hambalyeeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in Boqorku uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Dr.Gaas ayaa sheegay in Boqorku in loo baahay in Hogaanka dhaqanku ay horseed u noqdaan xal u raadinta Soomaaliya,waxaana uu xusay in Isimadu ay Udub dhexaad u yihiin Aas-aasaka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay Gogol Nabadeed u fidisay Soomaaliya inteeda kale,ayna diyaar u yihiin inay horseed u noqdaan hanashada Dowlad Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo afmeeray Munaasabada ayaa umahadceliyay guud ahaan dadweynaha ka qayb galay Munaasabada,waxaana uu balan qaaday inuu si hufan ugu adeegi doono dadweynaha.

Waxaa xusid mudan in Madaxda iyo Hogaamiye dhaqameedka ka qayb galay Munaasabada ay si Kal iyo Laab ah ugu hambalyeeyen Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood.

Xaflada oo ay ka qayb galeen Madaxda Puntland,Jubbaland,DDSI,Mas’uuliyiin ka socday federaalka,Hogaamiye aqameed reer Puntland,Soomaaliland,Koonfurta Soomaaliya iyo marti sharaf ka socotay Ethiopia,Kenya,Masar,Saraakiil ka socotay Qarmada Midoobay iyo dadweyne kale ayaa ku dhamaatay jawi wannaagsan.

Hoos Ka Daawo Sawirada xafalda caleemo saarka boqorka

IMG_3787

123468913141617IMG_3901IMG_3902IMG_3903IMG_3905IMG_3906IMG_3909IMG_3910IMG_3911

IMG_3999IMG_4009IMG_4017IMG_4026IMG_4030IMG_4036IMG_4040IMG_4041IMG_4043IMG_4053IMG_4054IMG_4059IMG_4067IMG_4070IMG_4071

Aftahan News

Nuur_giriig1@tmail.com

Qardho/Puntland/Somaliya