Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Kormeeray Goobaha Imtixaanku ka Socdo ee Gobolka Gabiley

Gabiley (aftahannews):- Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo ay weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo xubno kale, ayaa maanta kormeeray Dugsiyada uu ka socdo imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiyada sare iyo Dhexe ee gobolka Gabiley.

Daa’uud Axmed Faarax Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Qaranka, ayaa ammaanay habka imtixaanku uga socday goobaha uu maray, waxaanu tilmaamay inuu sannadkani yahay kii uu ugu degganaa imtixaanaadka fasallada 4aad ee Dugsiga sare iyo 8aad ee dugsiga dhexe.

Guddoomiyaha, ayaa warbixinno ka dhegeystay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Xafiiska imtixaanaadka ee gobolka Gabiley iyo hawlwadeennada ku sugnaa goobaha uu kormeeray waqtigiisu.

Haddaba, warbixinta kormeerka Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka guud ee Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-