Somaliland oo Ka Warbixisay Imtaxaanka Shahaadiga ee Berri Bilaabmaya iyo Meelaha aanu Ka Qabsoomayn

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Ardayda reer Laascaanood aanay geli doonin imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare iyo Dhexe oo Berri ka bilaabmaya dalka.
Colaadda tan iyo bishii Febraayo 2023-ka ka taagnayd Laascaanood,  ayaa sabab u ah inaan Imtaxaanku ka qabsoomayn oo Dadku qaxeen, Dugsiyaduna xidhmeen bilowgii sannadkan.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa sheegay in ardayda reer Laascaanood ee colaaduhu saameeyeen ay gabi ahaanba gudbi doonaan iyaga oo aan imtaxaan galin, oo loo qiimayn doono.

“23 kii degmo doorasho ee Somaliland hal degmo uun baanu imtaxaanku ka dhacay, oo golaha wasiiradu yidhahdeen ardaydu sidooda ha u gudbaan xaalada jirta awgeed, halkaa degmana xataa tuulooyin ka mid ah ayuu imtaxaanku ka dhacaya.” ayuu yidhi Wasiir Toorno.

Imtaxaanka shahaadiga ah ayaa ka qabsoomi doona badanka deegaanada Somaliland, iyada oo ay ka qayb qaadanayaan arday ka badan 40 kun, oo ku nool deegaanada kala duwan.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in imtaxaanka lagu gali doono gobolka Badhan oo uu sheegay in ay Puntland hore u sheegtay in aan lagu gali doonin imtaxamada Somaliland.