Madaxweyne Biixi oo Turkiga U Gudbiyay Shuruudaha Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Turkiga oo uu Hoggaaminayo Wakiilka dowladda Turkiga u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Alpy.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa xubnaha weftiga ka socday dalka Turkiga ay ka wada hadleen wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana waxaa uu xog ka siiyay wada hadaladii hore labada dal usoo wada yeesheen iyo halkii ay ku dambeeyeen.

Waxaanu  xusuusiyey dhamaan shuruudadii hore Somaliland ugu xidhay dib-u-bilowga wada hadalada.

Weftiga oo ka koobnaa Wakiilka Turkiga u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Alpy Ay kuna wehelinayey Wakiilka Turkiga ee Somaliland Harun Aslan, ayaa sheegay inay wadahadalada iyo dhinacyada xalalka kala hadleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi .

Madaxweynaha oo muddo hore ka hadlayey dib u bilowga wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay helitaanka ajende cad oo wada hadaladu yeeshaan.

Wuxuu kaloo sheegay inuu jiro cid dhexe oo markhaati ka noqota go’aamada la gaadho fulintooda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ku wehelinayey Madaxweynaha kulanka wefdiga Turkiga.