Guddoomiye Daa’uud oo Ardayda uga Digey eegashada Imtixaanka Shahaadiga ah

Hargeysa (aftahannews)- Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa fariin mihiim ah u diray ardayda fasalada 8-aad ee dugsiga dhexe iyo kuwa 4-aad ee dugsiga sarre, ee u fadhiisan doona imtixaanka sannad dugsiyeedka 2022 iyo 2023-ka.

Guddoomiye Daa’uud waxa uu sheegay in imtixaanaadka la qaadi doono bisha June ee fooda innagu soo haysa haddii ALLE yidhaahdo, iyada oo maalinta uu qabsoomi doonana dib laga soo sheegi doono.

Daa’uud Axmed Faarax guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland waxa uu xusay in imtixaanaadku uu ka iman doono duruustii ay soo qaateen oo kaliya, waxaanu ardayda uga digeg inay ka feejingnaadaan qishka ama eegashada imtixaanaadka shahaadiga ah, waxaanu hoosta ka xariiqay in natiijadiisa imtixaanka iyo ka mustaqbalkaba ay ka galaafan doonto.

Guddoomiyaha imtixaanaadku waxa uu dhammaanba ardayda imtixaanaadka shahaadiga ah u fadhiisan doona u rajjeeyay inay ku guulaystaan imtixaanaadka ay u fadhiisanayaan.