Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho

Muqdisho (aftahannews)- Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso, ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa la sheegay in lagu aasay meel u dhaw bar koontarool oo ay ciidamada Boolisa Milateri ku baadhaan dadka iyo gaadiidka.

Goobjoogayaal ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in qaraxa miino ay ku dhaawacmeen laba ruux oo shacab ah oo ayna jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay askarta ka dhaweyd goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada amaanka, ayaa qaraxa kadib howlgalo baadhitaano ah ka sameeyay agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, hayeeshee lama soo warin cid ay u soo qabqabteen qaraxa miino ee khasaaraha kasoo gaadhay dadka shacabka ah.

Amaanka magaalada Muqdisho, ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay ciidamada cusub ee lagu soo tababaray dalka Uganda wax badan iska badelay, hayeshee saacadahii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.