“Biyo Ku Shub!” Qalinka Muuse F. Jaambiir

Wuu waysaysanayay, gebagebadii ayuu marayay, lugta midig markuu dhammeeyay ee uu holaday, inuu bidix u wareego ayaa nin isa soo dul taagay.

Muu bariidin, halkuu salaamu calaykum ka odhan lahaana, war kale oo uu ula socday ayuu ku bedelay. Weli waysadii biyuhu ku jireen iyo lugtii bidix buu is kor hayay, dhibicdii u horaysayna kumay dhicin lugta markuu dareenkiisu jeestay.

Daymaduu kor iyo ninka dul taagan aadiyay iyo su’aashiisii ayaa kulmay. Kuye; “Waaryaahe, waysadan wax kuu dhaama ma kuu sheegaa? Suuye; maxay?

Kuye; “Ninkii walaalkaa dilay, geelloodii buu ceelka ka waraabinayaa”. Suuye; maahee! Qorigu kama dheerayn oo dhiniciisuu ku tiirsanaa, goor uu la booday iyo goorruu waysadii tuuray bal adba sheeg. Qaraxii xabadda iyo waa mayd, waxba umay dhaxayn.

Wuxu ba waa ilbidhiqsiyo gudahood, kii warka baas u keenay halkii buu weli aluubnaa, markuu ku laabtay isagoo kurbanaya oo gacan ku dhiigle ah. Shaydaankii dhaqaajiyuu ku leeyahay maxaan yeelaa?
Kuye; “Halkaa ku dhuumo, intaan arrinka soo xalinayo”.

Nacasnimadiisa sidii buu yeelay, halkuu u tilmaamay oo xidh yar ahayd ayuu qarsiimo ka doonay. Kii kale na jihaduu raggii ninka laga dilay ku ogaa ayuu u dhaqaaqay, markuu gaadhayna tilmaan buuxduu siiyay. Iyana kamay habsaamine, kii godobta lahaa ayay garab galeen.

Markuu ka dhammeeyay ayay halkii kaga yimaadeen maydkiisii, koodiina aasteen. Intay qoladani aarsiga ku maqnayd, belaayo warkuu sugayay, markii loo xaqiijiyayna, wuxuu u dhaqaaqay dhankii qolada kale.

Kuye; “Magaciin ba’ ma idinkoo ninkii hore mag ka qaatay oo gacan ku dhiiglii nolol u daayay, ayay haddana marxuumkii hore walaalkii maanta raaciyeen”.

Gug, baa laysku yidhi, war kaleba may sii sugine halkuu u tilmaamay ee maydkiisu yaalay ayay ku tibadeen. Hubin kale ba may sii sugine, aarsi bay ku dhaqaaqeen. Haka qabanba qolo waliba, shaydaankii ay iska naari lahayd ayay isku naartay.

Haatan, xigashadaa waxa ii geeyay, falxumo soo noqnoqotay oo ka taagan deegaano ka mid ah hawdka Burco. Waxa dhacay waxaan loo baahnayn inay dhacaan.

Dhimashiyo dhaawacba waxay taasi sababtay khasaare mood iyo noolba le’. Ma awoodno inaynu baajino ajal go’aysa, balse bani’aadamku wuxuu karraa ka hortaga xumaha. Soomaalidu waxay tidhaahdaa; “Ceel nin baa qoda ee nin kama cabo”. Sidaasoo kale, belaayo waa keli ba’eedduna waa badan yahay, bi’iye qudha ayaa bulsho dhan baabi’iya.

Sidaa darteed, waxaan leeyahay dadkaa, ma tihidin laba reer ee waxaa tihiin hal reer. Wixii dhacay way dhaceen, maanta haddaynu iswaydiino sababtay u dhaceena waa laga wada baxsanayaa, laakiin taasi ma asturayso qof kasta oo foolxumadaa ku abtirsada.

Markaa, walaalayaal gacanta xun laaba, carrabka xun ee dhexdiina joojiya, finka caloosha carrabkaa lagu dillaaye, shaydaanka haysku naarinee iska naara.

Habaryoonis Ciise Muuse iyo Ciise Muuse Habaryoonis, guud ahaan iyo gaar ahaan HYB/ MCB, waxaan idin leeyay laba kala nooli ma wada noolaan karaan, laba wada noolina ma kala noolaan karaan.

Xaqiiq weeye, ma kala noolaan kartaan, sidaa awgeed, hoos isu eegga ka soo laabta, dhexdiina inaad taariikh kala doontaan ma banaana ee sedkiinu waa ilaalinta taariikhda aad wada leedihiin iyo ta guud ee la wada leeyahay ee aad qaybta ka tihiin.

Dhinac waliba dib haysu xisaabiyo, waxa laysu yahay in la wada xooraa qurux idiin kordhin mayso, xidha amaanka qorriga, halkan ha eegina ee halkaa eegga, waqtiga iyo wacyiga lagu jiro tixgeliya. Garna lama qaybsado, gardaro na lama wadaago, gef gef lagu gudaase garawshiinyo seeg, wax u reeba sharciga iyo kala dambaynta.

Madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto, Madaxweynihii qaranka ayaa arrinkaasi kelifay oo idiin yimi.  Madax kale oo badan ayaa idiin timi, xildhibaanaddii qaranka ayaa hore idiinla joogay, karaameeya, fududeeya xaajada, wax carrab gooyo oo aan gacani goyn ayaa jirtee, hadalka ku soo laabta, la hadla dawladdiina, xeer waa fulin oo dawlad baa leh.

Intay leedahay waxa ka soo hadhaa waa xushmaddii isdhaqasho oo dhaqan ahaan aynu isugu tagno sidii loo qalooc tiri lahaa.

Taana laydin dhex geli maayo, mudakar iyo muunad, arrin keen iyo aqbal keen, markay hahdu baxdo, dad isku filan baa tihiin. Gogoshana idin dhex dhigi maayee, HYB ha dhigto, nin wayn baa walaal og. Allahayow, wayso wax noo dhaamaa ma jiraane biyo ku shub.

Allaa mahadle.

Commissioner Muuse Jaambiir.