Somaliland oo sheegtay in Puntland iyo Kooxo-Argagixiso ahi soo weerareen ciidankeeda

Hargeysa (aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay  in xoogaga SSC, Puntland iyo kooxo argagixiso ahi ay weerar  qorshaysan kusoo qaadeen ciidamadeeda ku sugan jiida Laascaanood.

Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada gaashaaandhiga ayaa lagu sheegay in kooxo huwan ahi ay weerarka soo qaadeen xili ciidamadu ay shacabka Somaliland la qaybsanayeen dabaaldaga munaasinadda 18 May, lakiin la jabiyay.

“Ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah galbeedka magaalada ee Xargaga, bariga magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeda.

Dagaalka saaka ayaa dhacay xili Somaliland looga dabaaldagayo munaasibadda 18 may, wali lama hubo khasaaraha dagaalka, xoogaga SSC ayaa dhankooda Somaliland ku eedeeyay in ay weerarka saaka soo qaaday.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta sheegay in dagaalku soconayo inta laga xoraynayo xuduudaha Somaliland sida uu hadalka u dhigay, garaadada SSC ayaa iyaguna hore u sheegay in ay dhulka SSC ka xoraynayaan Somaliland.

Waan waan la doonayay in lagu joojiyo dagaalka oo tiraba dhowr jeer qolooyin kala duwani isku dayeen ayaan ilaa hada guul laga gaadhin.