Madaxweyne Biixi oo ku hanjabay in lasii wadayo Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saraakiil hore uga tirsanaa dowladii kacaanka iyo Puntland ay qorshaynayaan in ay Somaliland kala gooyaan, wuxuuna sheegay in layska difaacayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska munaasibadda 18 May, ayaa maamulka Puntland si gaar ah ugu eedeeyay colaada ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in uu ku hamiyayo in uu qaato qaybo Somaliland kamid ah.

“Iyadoo 5 tii Soomaaliyeed mid walba meesheeda lagu ixtiraamo, way iga dhaadhici laadahay in Puntland iyo reer ka halka daga ay ku riyoodaan in ay yidhaahdaan Somaliland badh ayaanu goosanaynaa, hamada intaa leeg halkay ka keeneen” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in saraakiil danbiyo galay xiligii dowladii kacaanka ay isku urursadeen deegaanada Puntland si ay Somaliland u waxyeeleeyaan, wuxuuna sheegay in Somaliland is difaaci doonto.

“Taliyayaashii Hargaysa, Burco iyo Borama sida u galay ee dadka dhameeyay waxa ka sameeyayna, maanta dhamaantood Garoowe ayay joogaan oo ay ku taamayaan 30 sanno ka bacdi in ay dib u bilaabaan wixii ay gaysteen,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in aanu aqbalayn in la yidhaa xadka Somaliland ayaa badh la gooyay isagoo sheegay in dhamaan xuduudaha Soomaalidu burburi doonaan hadii xuduuda Somaliland la faragaliyo sida uu hadalkiisa u dhigay “Dagaalku joogsan maayo inta taako ka mid ah xadka Somaliland uu cadow ku jiro”.