Daa’uud Gadhweyne: “Waxa la i Magacaabay Anoo Beertayda Wajaale Jooga, Wasiirna..”

Hargeysa (aftahannews):- Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulan xog-waraysi ah la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Qaranka, waxaanu ka warramay shaqada Xafiisku Qaranka u qabto.

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in maalintii xilka uu hadda hayo loo magacaabay isagoo Beer uu ku leeyahay Wajaale jooga, markaas oo aan talo laga bixiyey, cid u ololaysay, reernimo lagu xushay iyo aqoon gaar ah oo lagu qaatay midna aanay jirin, balse calaf iyo qoraal Illaahay uun lagu magacaabay.

Kulanka iyo waxyaabaha lagaga wadahadlay iyo Warbixinta Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-