Kenya iyo Soomaaliya oo Kala Saxeexday Heshiis Muhiim ah

Nairobi (aftahannews):- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa gaadhay heshiis lagu furayo Xuduudaha ay wadaagaan labada dal muddo 90 maalmood gudohood ah iyo qodobbo kale oo la xidhiidha Ammaanka, isu socodka Dhulka iyo Cirka iyo weliba Ganacsiga.

Heshiiskan, ayaa lagu gaadhay Kulan  Maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhiga iyo Amniga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya labada dowladood.

Kulanka, ayaa labada dhinac waxay kaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin furista xaduudda labada dal, fududeynta isu socodka duullimaadyada, ganacsiga iyo iskaashiga amniga.

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay maanta la gaadheen heshiis la taaban karo.

“Waxaan ku heshiinnay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo xuduudaha Beled-Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas-Kaambooni iyo Kiunga.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh.

Waxaa sidoo kale, Masuuliyiinta labada dowladood ka wadahadleen dalku-galka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay si weyn ugu dhib qabaan Muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

“Waxa aannu ku heshiinnay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah.” ayuu yidhi Wasiir Doodishe.

Dowladda Kenya, ayaa Xuduud beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya xidhay sannadkii 2011-kii, ka dib weerarro kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalka Kenya.

“Laga bilaabo maanta, waxaan go’aansannay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya hab dhowr waji ah loogu furi doono muddo 90 maalmood gudahood, marinka ugu horeeya waxaa lagu furaya 30 maalmood gudahood.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki.

Heshiiskan Maanta dhexmaray labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa imanaya, iyadoo uu soo hagaagayo marba marka ka dambaysa xidhiidhka labada dowladood tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka qabtay bishii May ee 2022-kii, balse xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa meel xun oo ay Safaaradaha kala qaateen gaadhay xilligii uu Madaxwaynaha ahaa Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.