Dawladda Jabuuti oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Jabuuti

Jabuuti(Aftahannews):- Ugu yaraan saddex ruux ayaa geeriyooday illaa 15 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii huteel aad u mashquul ah oo ku yaalla Suuqa dhexe ee magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qaraxyadaas oo ahaa laba qarax ayaa lagu dilay 3 qof, 15 kalena way ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska Jabuuti Kornayl Cumar Xasan. “Waa dembi sharci. Waxaannu helnay laba qof oo dhintay iyo 11 kale oo dhaawacmay, waxa meesha ka dhacay ee lagu weeraray waxay ahaayeen Qaraxyo Bambaanooyin.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Cumar Xasan oo xalay la hadlay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabauuti Xasan Cumar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Jbauuti, ayaa u sheegay saxaafadda in saddex qof ay ku dhintene qarxayadii xalay ka dhacay Jabuuti.

Waxa uu sheegay in saddexda qof laba ka mid ah ay yihiin dadkii qaraxyda ka dambeeyey oo uu sheegya inay ahaayene qarxayo ismiidaamin ah kuwaasi oo kala ah qof rag ah iyo qof haweenay ah. Waxa uu sheegay in qofka saddexaad ee dhintay uu yahay muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Wasiirku waxa uu intaais ku daray in 15 qof aya dhaawacmene kuwaasi oo iskugu jira 7 Faransiis ah, 4 Jarmal ah, 3 u dhalatay dalka Isbayn iyo mid u dhashay Jabuuti.

Dad ka ag-dhawaa goobta Qaraxu ka dhacay ee magaalada Jabuuti, ayaa Aftahannews Khadka Taleefanka ugu sheegay in la xaddiday dhaqdhaqaaqa dadweynaha, isla markaana Ciidammo tiro badan oo Boolis ah waddooyinka Suuqyada magaaladaas, gaar ahaan Suuqa uu ku yaallay Huteelkaas oo ka mid ahaa Huteellada ay Ajaanibku ku badan yihiin la xidhay oo ay Ciidanku la wareegeen gacan-ku-hayntiisa si ay u baadhaan waxa meesha ka dhacay.

Jabuuti ayaa ah dalka keliya ee geeska Afrika ku yaalla ee ay Ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Saldhig la ogyahay oo Millateri, kaasoo ka mid ah Saldhigyada ay ka kacaan Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka, halkaasoo lagaga duulo goobaha Argagixisadu Afrika kaga sugan tahay sida dalalka Soomaaliya, Yemen, Nageria, Chad iyo waddammo kale.

dalka DJabuuti oo xornimadeeda dalka Faransiiska oo muddo dheer gumaysan jiray ka qaadatay sannadkii 1977-kii, waxaanu ka mid yahay dalalka Midawga Afrika (AMISOM) ee ay Ciidammadu ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dawladda Soomaaliya ka caawiya dagaallada ay kula jirto Malleeshiyada Al-Shabaab.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.