Turkiga oo la Shaaciyey Xilliga la Qabanayo Wareegga Labaad ee Doorashada

Ankara (aftahannews):- Guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Ahmet Yener, ayaa ku dhawaaqay in xaddiga sanaaduuqa cod-bixinta ee la furay markii ay saacadda Turkiga aheyd 15:15 uu gaadhay 100%.

Sidaa awgeed, mar haddaan Musharraxiinta midna helin cod ka badan 50%-kiiba, waxaa wareegga labaad ee doorashada la qaban doonaa maalinta Axadda ah, ee 28-ka Bishan May, 2023, sida ku cad jadwalka xilliga doorashadii hore loo shaaciyay.

Guddoomiyaha doorashada Turkiga, ayaa sheegay in tirada codbixiyayaashu ay ahayd 88.92 boqolkiiba, Yener, ayaa sheegay in 52.69 boqolkiiba ay ka soo baxeen dibedda iyo inay jiraan 35,874 codad dibedda ah oo tirintoodu ay socoto.

Yener waxa uu yidhi; “Sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah, waxa la ogaaday in Edogan uu helay 49.51%, Kılıçdaroğluna uu helay 44.88%. Ogan ayaa helay 5.17%, halka İnce uu helay 0.44%.

Guddoomiye Yener, ayaa ku dhawaaqay in haatan wixii ka danbeeya la sameyn karo olole siyaasadeed, si loogu diyaar-garoobo tartanka doorashada ee wareegga labaad.