Turkey: Tirinta Codadka Doorashada oo Erdogan Horreeyo & Mucaaradka oo Digniin Soo Saaray

Turkey (aftahannews):- Tiranta Codadka doorashada dalka Turkiga maanta ka qabsoontay, ayaa weli ka socota goobaha codbixinta, iyadoo inta badan la tiriyey ku dhawaad toddobaatan milyan oo codeeyey doorashadan.

Inkasta oo ay natiijada hordhaca ah ee codadka la tiriyey ay muujinayso inuu ku horreeyo Madaxweyne Erdogan, haddana natiijada codadkii laga dhiibtay saddex magaalo oo waaweyn, ayaa keeni kara isbeddel aan la filaneyn, sida ay warbaahinta qaarkeed ku warramayso.

Sadexda magaalo ee natiijada wax ka bedeeli kara, ayaa kala ah – Istanbul, Ankara iyo Izmir. Waxaa haatan la tiriyay in ka badan boqolkiiba 60 codadkii la dhiibtay guud ahaan dalka, waxaana ku horreeya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Hase ahaatee, waxaa weli dhiman tirinta codadka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Magaalada Istanbul waxaa ku nool 16 milyan oo qof, halka tirada guud ee magaalooyinka caasimadda Ankara iyo Izmir ay yihiin 10 milyan oo qof dadka u diiwaangashan inay codeeyaan.

Illaa hadda, Izmir iyo Istanbul waxay uu muuqataa inuu ku horreeya Hoggaamiyaha Isbahaysiga Kemal Kilicdaroglu halka uu Ankara ku horreeyo Erdogan.

Afhayeenka Xisbiga talada haya ee AK Part Mr Omer Celik oo isna hadda ka hadlay doorashada Turkiga:

“Tirinta codadka si hufan ayey noogu socota. Rabitaankeena ugu weyn waa in danta iyo rabitaanka qaranku ka dhex muuqato.
Hantideenna ugu weyn ee aynnu haysanaa waan dimuqradiya waana in dimuqraadiyadu shaqaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga AK Part.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo bartiisa Twitterka qoraal kooban ku baahiyey, waxa uu yidhi; “Waxaan ku faraxsanahay in tirinta codadku ay yihiin kuwo ka turjumaya rabitaanka dadkeenna. Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan Muwaaddiniinta codkooda dhiibtay, kana qaybqaatay doorashooyinka.”

Tirinta codadku waxay maraysaa 78%, waxaana hadhay wax ka yar 22%. Madaxweynaha Talada haya ee Recep Tayyip Erdoğan wuxuu haystaa 50.68%. Halka hoggaamiyaha Mucaaradka Kemal Klçdarolu uu haysto 43.52%.

Xisbiga Mucaaradka ugu weyn Turkiga, ayaa soo saaray erayo ahaa kuwo rejo muujinaya iyo hal digniin oo ah inaan la isku halleyn natiijada hor-dhaca ah.

“Sawirku illaa iyo hadda waa mid rejo muujinaya.” ayuu yidhi Faik Oztrak oo ah Afhayeenka Xisbiga Jamhuuriga ee Dadka (CHP). Balse wuxuu dadka Turkiga uga digay inaanay ahmiyad siin natiijada hor-dhaca ah ee ay shaacisay Wakaaladda wararka dalkaas Anadolu. “Inay fulisay howl aan la isku halleyn karin..” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Mucaaradku.

“Waxaan qireynaa inay tahay codbixintii aadka la isugu soo baxay.” ayuu yidhi Oztrak. Balse wuxuu shacabka Tukriga ku boorriyay inay sugaan nambarrada micnaha leh.

Haatan, natiijada hordhaca ah waxay inteeda badan ka imaneysaa meelaha uu ku xooggan yahay Erdogan.