Somaliland oo Ka Hadashay Rabshado Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ceerigaabo ka Dhacay

Ceerigaabo (aftahannews):- Hal Qof, ayaa ku dhintay, Lix kalena way ku dhaawacmeen shaqaaqo xalay ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ka dib markii ay dhalinyaro dhagax iyo qoryo ku hubaysan iyo Booliska magaalada isku dhac ku dhexmaray xaafadaha magaalada qaarkood.

Dadka ay Booliska isku dhaceen oo dhalinyaro u badnaa, ayaa ka soo horjeeda xuska 18-ka May ee maalinta Qarannimada Somaliland oo qabanqaabadeedu ka socoto magaalooyinka dalka, waxaanay iyaguna la soo baxeen Calanka Kooxda la baxday Khaatumo.

Guddiga Nabadgelyada gobolka oo ay xubno ka yihiin Maamulka gobolka, degmada iyo Taliyeyaasha Ciidammada kala duwan ee Somaliland ee heer gobol, ayaa maanta Saxaafadda kula hadlay Ceerigaabo, waxaanay ka warrameen sida wax u dhaceen, khasaaraha jira, xalka illaa hadda la sameeyey iyo baaq ay wada-jirk ugu direen bulshada magaalada.

Haddaba, Warka Masuuliyiinta kala duwan ee arrintan ka hadlay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-