Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo Furay Mashruuca Adkaynta Amniga Xuduudaha

Mandheera(aftahannews):- Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa furay mashruuca xuduudaha oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo ammaanka xuduudka 3-da waddan, si loo xoojiyo nabadaynta iyo xasilloonida gobolka.

Daah-furka mashruucan oo ka dhacay magaalada Mandheera, ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Kenya uga go’an tahay hindisaha mashruucaan.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Maxamed Axmed Doodishe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada wadajirka ah ee lagu sugayo amniga ee laga sameynayo xuduudaha iyo hareeraha webiyada.

“Dadaalladani waxay xaqiijinayaan xasilloonida waxayna noo ogolaanayaan inaan sii wadno kobcinta xasilloonida dalalkeenna,” ayuu yiri Doodishe.

Wakiilka Sare ee Ingiriiska Jane Marriott ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Britain inay taageerto Mashruuca Xuduudaha iyo barnaamijyada diirrada lagu saarayo nabadda iyo horumarka waarta ee gobolka.

Jane Marriott waxay iftiimisay taariikhda, aayaha, iyo caqabadaha ay wadaagaan bulshooyinka saddexda waddan waxayna xustay in mashruucan uu gacan ka geysan doono ballaarinta dhinacyada wanaagsan ee ay wadaagaan bulshooyinkan.