Hadal iyo Habeen! – Waxa Qoray Muuse Jaambiir 

Somaliland, is ahaanshaheeda siday isu samaysay iyo iskeed waxay taransatay, ayaa ka dhigtay bidhaan muuqata. Ka dhigtay, tusaale tusmaynaya, sida loo bakhti afuufo ee dib loogu noolleeyo ruuxda qaran dhintay, isla markaana loo beeniyo weydaynta qabka ummadnimo ee aan dhalashada ahayn ee soomaalidu wajahday burburkii kadib. Marka taa loo raaco, Somaliland, faanka ay samaysay, wuxuu soomaalida dhegtooda ka dhaqay/dhaqaya naanaysihii xumaa ee loogu bixiyay nidaam la’aanta.

Wuxuu kor u soo qaaday qabkii qoomiyadeed ee caalamka dhexdiisa habaaska jiifay. Inkastoo aan la aqoonsan, haddana, intii ay soomaalida koonfureed ku sii dambeeyeen burburka, ilaa hadda waxay ahayd/tahay metaalka keliya ee ciddii u baahan wax ka barayay, jiritaanka awoodda ruuxiga ah ee soomaalidu siduu hiddo ahaan dib isugu dhisi karo, waxna looga korodhsan karo, haddii loo dhaafo tooda.

Dhismaheedu wuxuu dhiirigeliyay, walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee burburku ku wada dhacay. Kuwaasoo ku dayashadeedii u tartay inay wax dhistaan, kana saartay fullaynimadii ku lahayd; dawllad ma dhisi kartaan. Puntland, waa tusaale wax ka bartay Somaliland ta isa samaysay.

1998, waqtigaas oo aan ka mid ahaa qorayaasha wargeyskii Jamhuuriya oo Hargeysa ka soo bixi jiray, Isimada deegaannadaasi waxay warqad u soo direen Madaxweynihii Somaliland ee waqtigaa Maxamed X Ibraahim Cigaal. Warqadaa waxay Isimadu kaga dalbanayeen Madaxweyne Cigaal;

1- Inuu deegaanadooda ku soo daro oo uu soo gaadhsiiyo dawladda ka dhisantay woqooyi ee SL.

2- Haddaanay taasi suuragal ahayna, uu soo caawiyo hindise hawshiisu u socotay oo ay maamul ku samaysanayeen, kaasoo ay ku dhiseen maamul goboleedka Puntland ee Somaliya.
Madaxweyne Cigaal, suurogal umay ahayn xilligaa inuu ka aqbalo qodobka hore, sidaa awgeed wuxuu ka aqbalay qodobka labaad.

Dhammaan wixii la unkay ee Axdi iyo xeerba tusmaynayay sida dib loogu soo dhisay SL, oo xigasho ahaan u fududaynayay dhismahooda iyo hayn wuxuu karrayayba gacan buu siiyay, wax wayn ka tartay dhismihii maamulkaa.

Tacabkaa intay Somaliland ku jirtay ee ay hiil la’aan, teeda iyo dhegta guud ee soomaalida dhisaysay, marna may shirqool la’ayn.

Mar walba, waxa barbar ordayay korriinkeeda, soomaali kale oo doonistiisu ahayd/tahay, burburinta magacan soomaalinimada dib u soo noolleeyay.

Si duugga iyo waayaha soo socda looga fisho soomaali jacayl wadaajiyo mustaqbalka, waxa ekeyd in kala jooga laysugu faataxeeyo.

Laakiin, waxa laga doorbiday taa, xasad iyo xin siyaasadeed oo damaciisu is tusay in burburinta Somaliland dhallayso midnimo woqooyi iyo koonfuri mar kale wadaagaan. Hase ahaatee, taasi sii kala fogayn mooyee, waxtar kale may yeelan, mana yeelan doonto. Kan hadda socda laftiisu na, wuxuu qayb ka yahay mashruucaa soo taxnaa, mana aha shirqoolkii u dambeeyay ee waa imtixaankii u dambeeyay iddam Alla.

Hadal iyo dan; soomaaliga dhabta ahi maaha ka danta ka raadinaya duminta soomaali dhisan, ee waa ka ilaaliya ka dhisan, ka aan dhisnayna dhisa.

Soomaaliga yiqiintiisu badhax la’dahay, waa midka u gurmadda ee isduminta ka gaadha ka dhisani hadduu gudihiisa is qabto, ee maaha ka yidhaahda eeggay dagantay ee lugaha sii qabo. Maanta, is hayntu waa labadaa, mid soomaali dhisan badbaadinaya iyo mid soomaali dhisan duminaya. Habeen iyo hadal(talo) baa is haya, waqtiga nin baa le’, hadalkana nin baa leh.

Allaa mahadle. 

Waxa Qoray Muuse Jaambiir. 

.