Madaxweynaha Maraykanka oo Safiir Cusub u Magcaabay Soomaaliya

Washington (aftahannews):- Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, ayaa u magcaabay Richard H. Riley inuu noqdo Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka Cad.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magcaabay, ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka.

Richard H. Riley ayaa hore u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay Peshawar, Pakistan. Sidoo kale wuxuu xilal sare oo diblomaasinimo ka soo kala qabtay safaaradaha Maraykanku ku leeyahay Oslo, Kabul iyo Sanca oo dalka Yemen ah.

Sidoo kale madaxweyne Joe Biden ayaa magcaabay safiis cusub oo dalka Maraykanka u fadhiyi doona dalka Liberia.

Xigasho VOA.