Gabdho Soomaali ah oo lagu lagu Xidhay Norway Markii lagu Eedeeyey inay ISIS ka Tirsan yihiin

Oslo (aftahannews):- Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka dalka Norway ee PST, ayaa shaacisay in la xidhay labo Gabdhood oo walaalo ah oo Soomaaliya ka soo jeeda, kuwaas oo ka soo laabtay dalka Suuriya Arbacadii shalay, iyaga iyo Carruurtooda.

Maamulka Norway, ayaa Gabdhaha walaalaha ah ku soo oogay dacwad ah in ay ka tirsan yihiin ururka ISIS amma Daacish.

Norway waxay ku dhawaaqday inay dib u celinayso labada gabdhood ee walaalaha ah, Ayaan iyo Leila Juma iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo laga keenay xero qaxoonti Suuriyaan ah, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda xun ee xarunta ay ku jireen.

Gabdhaha walaalaha ah ee ah Soomaalida Norway, ayaa 2013-kii ka tegay dalka Norway, iyaga oo dhalinyaro ah, si ay ugu biiraan kacdoonka lagaga soo horjeedo Madaxweyne Suuriya Bashaar Al-Asad.

Haatan Da’ahaan waa 29 iyo 25 jir, dumarkan waxay haystaan saddex gabdhood, oo ay aabbe u yihiin dagaalyahannada Daacish, sida uu qoray wargeyska Verdens Gang ee Norway ka soo baxa.

Carruurta ayaa lagu soo waramayaa inay da’doodu kala tahay lix, toddobo, iyo siddeed jir.

Wasiirka arrimaha dibadda Anniken Huitfeldt ayaa yidhi; “Xaaladda nololeed ee ka jirta xeryaha waa mid aad u xun oo khatar ah, carruurtan waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryahaas oo aan ahayn in carruurtu ku noolaadaan.”

Huitfeldt ayaa intaa ku daray in gabdhaha walaalaha ah ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay Norway ula soo laaban lahaayeen caruurtooda, iyagoo og inay wajihi doonaan xarig marka ay yimaadaan.

Kurdiyiinta oo gacanta ku haya xerada Al-Roj ee ku taal waqooyi bari Suuriya ayaa talaadadii ku dhawaaqay in gabdhaha walaalaha ah lagu wareejiyay diblumaasi u dhashay dalka Norway.

Waxaa la saaray diyaarad loo qorsheeyay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Gardermoen ee magaalada Oslo saacadu markay tahay 12:40 subaxnimo Arbacada.

Hay’adda nabad sugida Norway ayaa xidhay labada haween markii ay yimaadeen.

Kiiskan ayaa u eg kuwa kale oo ay ku lug leeyihiin dhallinyaro reer Yurub ah oo u safray Suuriya, oo ay ku jirto Shamima Begum, oo ah muwaadin British ah oo laga xayuubiyay dhalashadeeda ka dib markii ay ku biirtay ISIS iyada oo dhalinyaro ah.