Golaha Danta Soomaalida oo Si Adag uga Hadlay Shacab Millateriga Itoobiya laayey

Nairobi (aftahannews):- Golaha Danta Soomaalida, ayaa si adag uga hadlay dil ay Ciidammada federaalka Itoobiya kula kaceen shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Ayshica 27kii bishan March 2023-ka, kaddib markii ay dadka oo ka gadoodsan xasuuqa ay Canfartu ku hayso shacabka galbeedka Gobolka Sitti isugu soo baxeen waddooyinka magaaladaas, halkaas oo ay 3 Qof ku dileen, in ka badanna ku dhaawaceen Ciidanka.

Golaha Danta Soomaalida
Golaha Danta Soomaalida

War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha  Danta Soomaalidu maanta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, ayaa lagu sheegay inay ka xumaadeen falkaas, isla markaana waxa Goluhu dowladda Itoobiya ugu baaqay inay Ciidammada kala baxdo deegaanka, halka ay beesha caalamka u soo jeediyeen inay ka hadlaan dhibaatada dhacday.

War-saxaafadeedka Golaha Danta Soomaalida ka soo baxay, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Golaha Danta Soomaalida (CSC), ayaa aad uga xumaaday, ugana xumaaday falkii ay ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya 27-kii bishii March ku dileen saddex qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan, kuna dhaawaceen tobanaan kale, kuwaasi oo ka dhacay Magaalada Aysha ee Gobolka Sitti ee Gobolka Soomaalida 27-kii March. si nabdoon ayaa looga soo horjeeday taageerada dhagarta ah ee ENDF ay siiso maleeshiyaadka Canfarta oo 5tii sano ee lasoo dhaafay ku kacayay falal dambiyeedyo aad u fool xun oo ay ka mid yihiin dil iyo barakicin dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Cadeytu, Garba Ciise iyo Cundufo.

CSC waxay aad uga walaacsan tahay xaaladdan, waxayna ka dalbanaysaa dawladda federaalka Itoobiya inay si degdeg ah oo mas’uuliyadi ku jirto u qaado si ay u ilaaliso xuquuqda dadka mudaharaadaya iyo kuwa lagu laayey, laguna barakiciyey maalin kasta deegaanada galbeedka gobolka Sitti. Falalka rabshadaha wata waa in la soo afjaraa, si dadka gudaha ku barakacay (IDPs) ay dib ugu laabtaan guryahoodii ee Cadeytu, Garba Ciise, iyo Cunduf.

Congress for Somali Cause ayaa aad uga naxay markii ay ogaadeen dhacdadan fuleynimada ah kadib in magaalada Aysha ay hadda ku hareeraysan yihiin ciidamada ENDF.

Waxaan ka baqeynaa in aan aragno dib u soo celinta xasuuqii Aysha, 60 sano kadib markii ugu horeysay ee uu fuliyay Imbaraadoor Xayle Salaase. CSC waxay dalbanaysaa in ENDF ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo oo ay joojiyaan rabshadahan macna darrada ah.

Congress for Somali Cause wuxuu si kulul ugu baaqayaa dowladda Itoobiya inay cadaaladda horkeento kuwii geystay dambiyadaas foosha xun. Ma ogolaan karno in xadgudubyada noocaas ah ay sii socdaan, waana in cadaaladda la horkeenaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda.

CSC wuxuu beesha caalamka ka codsanayaa inay na garab istaagaan oo ay cambaareeyaan falalkan rabshadaha wata. Waxaan u baahannahay taageeradooda si loo xaqiijiyo in la ilaaliyo xuquuqda Muwaaddiniinta oo dhan, iyada oo aan loo eegin qowmiyadda iyo siyaasadda ay ka soo jeedaan.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay mudnaanta siiyaan nabadda iyo wada-hadallada oo ah habka keliya ee xal waara loogu heli karo dhibaatadan.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Golaha Danta Soomaalida oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com.