Midowga Yurub oo Malaayiin Doollar ugu Deeqay Soomaaliya iyo Dalal Kale

 Burissels (aftahannews):- Midowga Yurub, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu bixin doono illaa €72 Milyan oo gargaar bini’aadannimo ah oo loogu talogalay ka jawaabidda abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Gargaarkan, ayaa ugu horrayn lagu beegsanayaa haqab-beelka cuntada, wax ka qabashada baahiyaha barakacayaasha iyo qaxootiga, u diyaargarowga musiibooyinka, iyo waxbarashada xaaladaha degdegga ah.

Taageeradan, ayaa qeyb ka ah €331 million oo Yuuro ah oo Midowga Yurub uu u qoondeeyay dalalka Ethiopia, Kenya, Jabuti, Soomaaliya, Uganda, Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Waddamadan ayaa wajahaya dhibaatooyin bini’aadantinimo oo badan, iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

“Baahiyaha bini’aadinimo, ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid ee dalalka qaar, iyadoo xaaladda Soomaaliya ay aad u liidato. Abaarta Geeska Afrika ka jirta,   sida Ethiopia, South Sudan iyo Sudan oo ay weheliso cawaaqib-xumadii ka dhalatay dagaalkii gardarrada ahaa ee Ruushku ku qaaday dalka Ukrain, waxa ka dhashay cunto yari aan hore loo arag, colaadaha iyo is-beddelka cimiladu waxay sii wadaan inay sababaan barakac gudaha ah iyo qulqulka qaxoontiga xuduudaha ka gudba. Jawaabteenu kuma koobna maalgelinta.” Sidaa ayuu yidhi Janez Lenarčič, oo ah Guddoomiyaha Maareynta Xasaradaha.

Waxaanu intaas ku sii daray oo uu yidhi; “2022, tusaale ahaan, waxaan qabanqaabinnay duullimaadyo xidhiidh ah oo Bini’aadantinimo, kuwaas oo gargaar nafo lagu badbaadinayo gaadhsiinnay meelaha ay adagtahay in la gaadho ee Soomaaliya, waan sii wadi doonnaa shaqada. Annagoo kaashanayna saaxiibbadeenna bini’aadantinimo ee goobta jooga, si aan gargaarka u gaadhsiinno kuwa aadka ugu baahan.” 

Sida qoraalkan hoose ku xusan ayuu sheegay Midowga Yurub dhaqaalaha ugu qoondeeyay dalalka geeska Afrika.

Jabuuti (€500,000)

Itoobiya (€60.5 milyan)

Kenya (€12.5 milyan)

Soomaaliya (€72 milyan). 

South Sudan (€82 milyan)

Suudaan (€73 milyan)

Uganda (€30 milyan).