Millateriga Somaliland oo Shaaciyey inay Qaadayaan Weerar ay Ku Nadiifinayaan Laascaanood

Laascaanood (aftahannews):- Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa markii ugu horreysay sheegay inay weer qorshaysan ku qaadi doonaan Xoogagga Huwanta ah ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Afhayeenka Ciidanka Millateriga Somaliland Cabdi Cabdillaahi Xasan (Cabdi-Dheere) oo ka warbixiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka Laascaanood, ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen Huwantu Ciidanka Somaliland. Afhayeenku waxa uu sheegay in Somaliland dulqaadkii ka dhammaaday, isla markaana ay weerar ku qaadi doonaan Xoogagga isbahaystay ee Laascaanood ka dagaallamaya.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar xariiqay soo dhigi mayno websayada, lakiin dagaal qorshaysan oo millateri ayaanu qaadi doonaa, wax badan ayaanu gacmaha laabanaynay.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Millateriga Somaliland Cabdi-Dheere.

Afhayeenku waxa uu digniin u diray Ciidamo-beeleedyada ka soo gurmaday Puntland iyo deegaannada kale ee ku sugan Laascaanood, waxaanu sheegay in reer Laascaanood iyo Ciidanku heshiin doonaan. Haseyeeshee, ay dagaal la galayaan Ciidammada deegaannada kale ka soo duulay.

Sidoo kale, Afhayeenka Millaterigu waxa uu sheegay in kooxo Al-shabaab ah oo uu sheegay in ay magaalada joogaan aaanay ka bixi doonin oo ay ku dagaallami doonaan, balse ay xoog kaga saari doonaan.

Waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay dagaal qaadayso, iyadoo dhowr jeer oo hore ku dhawaaqday xabad joojin, isla markaana ay mar walba Ciidammada Somaliland ku jireen difaac, sida ay Saraakiisha Ciidammada iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland sheegeen marar badan oo maanta ugu dambaysay.

Halan hoose ka daawo Warka Afhayeenka Millateriga Somaliland Cabdi-Dheere kaga warramay dagaalka maanta ee Laascaanood iyo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan Ciidan ahaan:-