Somaliland oo Ka Hadashay Dagaalka Laascaanood iyo Jawaabta Garaaddada

Hargeysa (aftahannews):- Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Xoogagga kula dagaallamaya Laascaanood, ayaa saaka ka qarxay duleedka magaalada, iyadoo uu dagaalku markii dambe gaadhay gudaha  magaalada Laascaanood.

Somaliland oo dagaalka ka hadashay, ayaa sheegtay in kooxo huwan ah oo iskugu jira Ciidammada Puntland, kooxo nabad-diid ah iyo Argaggixiso is bahaysatay ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaanay sheegtay in Millateriga Somaliland ay iska difaaceen weerarka.

Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag ayay isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ah oo maalmahan u danbeeyayba abaabulkiisa waday kuwaasoo ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer. Xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina Faray.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

Dhanka kale, warsaxafadeed ay baahiyeen Isimmada Dhaqanka ee Laascaanood ku sugan, ayey ku sheegeen in weerarka ay ciidanka Somaliland ku soo qaadeen, waxaanay sheegeen in ay is difaacayaan illaa Ciidammada Somaliland ay ka baxaan dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn, sida ay warkooda ku sheegeen.

Xaalada gobolka Sool ayaa daganayd maalmihii lasoo dhaafay marka laga reebo istuur tuur kooban oo mararka qaar labada dhinac dhexmarayay, waxaana jiray ciidamo beeleedyo kasoo qulqulayay dhinaca Puntland, halka Somaliland-na ciidamo kale oo xoojin ah ay gaysay gobolka.