Muhaajiriin Meydadkooda laga Helay Xeebaha Tunisia iyo Kuwo la Baadi-goobayo

Tunisia (aftahannews):- Ugu yaraan 19 oo Muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, ayaa dhintay ka dib markii ay Doontii ay kaga gudbi lahaayeen Badda Mediterranean-ka kuna gaadhaan Talyaaniga ay ku degtay Xeebaha Tunisia.

Waran ayey Axadda maanta ah Warbaahinta u sheegtay koox u doodda xuquuqda Aadamaha oo si dhaw ula socday arrinta Muhaajiriinta.

Afartii cisho ee la soo dhaafay, shan Doonyood, ayaa ku qarraqmay Xeebta Koonfur kaga began magaalada Sfax, waxaana la la’yahay 67 qof, halka ay sagal qof ku dhinteen, iyadoo ay aad u kordhayaan doomaha u socda dhinaca Talyaaniga.

Ciidammada ilaalada Badda ee Tunisia, ayaa shan qof ka soo badbaadiyay Doon ay la socdeen Xeebta magaalada Mahdia, sida uu Reuters u sheegay Romadan ben Omar oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda FTDES.

Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Tunisia, ayaan ka hadlin dhacdadan, sida ay baahiyeen Reuters iyo VOA oo aannu warkan ka soo xigannay.

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga, ayaa Khamiistii sheegay in ay laba howlgal oo ay ka fuliyeen Xeebaha Koonfureed ee Talyaaniga ay ku soo badbaadiyeen 750 muhaajiriin ah

Ra’iisul-wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, ayaa Jimcihii sheegtay in Yurub ay khatar ugu jirto Muhaajiriin aad u badan oo ka imanaya Waqooyiga Afrika haddii aan la dejin xaaladda dhaqaale ee Tunisia, waxayna ugu baaqday IMF iyo dowladaha kale in ay ka caawiyaan Tunisia in uusan dhaqaaleheedu burburin.