Madaxweynaha Soomaaliya oo Si Adag uga Hadlay Isbaarooyinka

Aadan Yabaal (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhay magalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeeladda dhexe, ayaa si adag uga hadlay Isbaarooyinka weli yaalla deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay bulshada Aadan Yabaal, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gobolka Shabeeladda dhexe uu yahay meesha weli Soomaaliya isbaarooyin sharci darro ah ay yaaliin, dadkana lagu dhibaateeyo.

“Cadow ka weyn ka jiro in qof isbaaro jidka dhigto. Isbaaro idinkaa isaga filan. Dowladdu meel kaste askari ma istaajin karto. Laakiin meel kasta dadkii deegaanka ayaa taagan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in deegaannada kale ee Soomaaliya isbaaro laga gudbay, isagoo sheegay dadku inay iyagu iska kiciyeen isabaarooyinkii yaallay deegaannadooda, sidaa awgeedna loo baahan yahay inay dadka reer Hirshabeelle iska qaadaan isbaarooyinka iyaga lagu dhibaataynayo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inay Nasiib-darro tahay in gobolka Shabeellada dhexe deegaannadiisa ay yaalliin isbaarooyin badan oo dadka lagu dhibaateeyo, arrintaasna ay ceeb ku tahay dadka deegaanka oo aan waxba ka qaban.