Xagla-toosiye oo Ku Hanjabay in Ciidammada Somaliland Xoog lagaga Saarayo Gobolka Sool

Jigjiga (aftahannews):- Guddoomiyihii hore ee Urur-siyaasadeedka Shacabka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla-Toosiye, ayaa ku hanjabay in Ciidammada Somaliland xoog lagaga saari doono Laascaanood iyo gobolka Sool.

Xagla-toosiye oo waraysi siiyay SSTV, ayaa ku goodiyay in Ciidammada Somaliland  xoog lagaga saari doono Gooja-cadde haddii aanu Madaxweyne Biixi si nabad ah kaga saarin.

“Ciidanka Gooja-cadde fadhiyaa, fadhiyi maayo, waa hubaal in aanu fadhiyayn, ama caqli ayaa imanoo wuu la bixi, ama xoog ayaa lagaga saarayaa meesha, dadka deegaanka way ka go’antahay in ay dalkooda iyo dhulkooda u madaxbannaanaadaan” ayuu yidhi Xagla Toosiye.

Waxa uu sheegay in ay fiicantahay in ciidamada Somaliland si nabada kaga tagaan gobolka, isaga oo sheegay in khasaare badani ka iman karo hadii ay noqoto in xoog la isticmaalo, lakiin xoog la adeegsan doono haday ka fursan waydo.

Waxa uu Somaliland mar kale ku eedeeyay in ay dhibaato ka gaysatay magalaada Laascaanood, isaga oo sheegay in laascaanood ay ahayd magaaladii ugu waynayd ee ururkiisu taageerayaasha kulaha, isla markaana dhibaatada dhacday darteed uu Somaliland uga baxay.

Waxa uu sheegay in ay Laascaanood ka dagaalamayaan ciidamadii deegaanka, ciidamo hab qabiil uga soo gurmaday deegaano Puntland kamid tahay iyo ciidamo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya oo iyaguna hayb ahaan usoo gurmaday.

Xagla Toosiye ayaa horay u hagaamin jiray jabhad la odhan jiray SSC, isagoo markii danbe heshiis la galay Somaliland, isla markaana kasoo qabtay xilal wasiir ilaa oo uu markii danbe furtay urur la yidhaa Shacabka kaasi oo uu dhawaan iska casilay.