Faysal Cali Waraabe oo Ku Taliyey in Xal loo Helo Colaadda Laascaanood

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in colaadda Laascaanood ay sababtay talo-xumo ay sameeyeen Madaxweyne Biixi iyo Garaaddada Laascaanood ku shiray.

Guddoomiyaha UCID, ayaa Garaaddada ku canaantay in ay masuul ka yihiin dhibaatada ka taagan Laascaanood, wuxuunu sheegay in talo-xumadii Xukuumadda ay talo-xumo kaga jawaabeen, dhibaatada dagaalka ee taaganina uu sidaa ku yimi.

“Waxaan Garaaddada leeyahay Allaah ka cabsada, ummadda masaakiinta ah ee guryahoodii ka qaxday maanta, anoo ogaa barwaaqada ay ku noolaayeen, maantana dadkoodii ay qoxoonti yihiin, aanu Allaah badine aad baddeen. Madaxweynaha Somaliland taladiisii xumayd iyo idinka oo aan ka dhicin.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo maanta Hargeysa kula hadlay Warbaahinta.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in loo bahanyahay in xabad-joojinta la ilaaliyo, isla markaana la wadahadlo, ciidankana la geeyo meeshii laysku afgarto. Faysal waxa uu soo jeediyay in Ciidammada kale ee gurmadka ahi ay ka baxaan gobolka Sool.

Waxa uu Soomaalida kale ee  gurmadka u imanaysa Sool u sheegay in aan Somaliland la kala jarjarayn, oo ay ahaanayso mid, isla markaana anay dhacayn in maamullo kale laga dhex sameeyo.

Guddoomiye Faysal, ayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil  si gaar ah ugu baaqay in uu ku soo noqdo Somaliland, isaga oo Xukuumaddana ugu baaqay in ay la timaaddo talo xal lagaga gaadhayo colaadda Laascaanood.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Faysal Cali Waraabe:-