Somaliland: Guddi Golaha Wakiilladu u Xilsaaray Xaaladda Laascaanood oo 12 Qodob Soo Saaray

Hargeysa (aftahannews):- Guddi Xildhibaanno ah oo Golaha Wakiillada Somaliland u saaray ka soo talo bixinta xaaladda magaalada Laascaanood ee horraanta bishii Febraayo 2023-ka dagaalku ka bilaabmay, ayaa maanta soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin in Xabbad-joojintii Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday 10kii Febraayo la cusboonaysiiyo, in loo guntado in colaadda wadahadal lagu dhameeyo iyo qodobbo kale.

Guddiga oo Golaha Wakiillada u gudbisay soojeedin 12 qodob ka koobaan, ayaa ku talisay in la dhaqangeliyo Xabbad-joojinta si bilaa shuruuda ah, isla markaana dhamaan qaybaha Bulshada, Waddamada jaarka iyo Beesha Caalamkuba ka qaybqaataan daminta colaadda Laascaanood ka socota muddada labada bilood ku dhaw.

Guddigu waxay Golohooda u soo jeedisay in dhanmaan xoogagga hubaysan ee gurmadka ku yimid Laascaanood uu ugu baaqo in ay sida ugu dhakhsaha badan gobolka uga baxaan iyo in Goluhu taageero Ciidammada Millateriga Somaliland.

Waxa kale, oo ay Golaha u soo jeediyeen Xubnaha Guddigu in uu ku baaqo in gargaar la gaadhsiiyo Dadka ku barakacay colaaddaiyo in la dardargeliyo waxkasta oo xoojinaya midnimada iyo Qarannimada Somaliland. 

Sidoo kale Guddigu waxay u soo jeediyeen Golaha Wakiillada in wax laga barto qaladaadkii maamul ee ka dhacay Laascaanood, si aanay hagardaamo kale u iman iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka, iyada oo la fulinayo heshiisyadii hore ee madaxda Khaatumo lala galay.

In la joojiyo hadallada Bulshada sii kala fogaynaya, waxaanay ugu danbayntii sheegeen in heshiis kasta oo la galo oo ka soo horjeeda Qarannimada Somaliland aan la aqbali doonin.