Dhallinyaro Ku Dhibaataysnaa Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho la Keenay

Muqdisho (aftahannews):- 11 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku dhibaataysnaa Xabsiyada dalka Libya, ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa ku guulaystay in dhallinyaradan lagasoo sii daayo xabsiyada ay ku dhibaataysnaayeen ee loo yaqaaano magafaha, kuwaas oo dadka lagu silciyo.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan xaquuqda carruurta iyo muhaajiriinta, ayaa sheegtay in dhallinyaradan ay dhowr jeer isku dayeen inay dalka Libya ka tahriibaan.

Ergaygu waxay sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Tripoli ay kaalin weyn ka qaadatay dib usoo celinta dhallinyaradan.

Qaar kamid ah dhallinyaradan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dalkooda dib ugusoo laabtaan, iyagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo celintooda.

Sanad kasta boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa xabsiyada u gala iyagoo doonaya inay si sharci darro ah ku galaan Yurub. Libyana waa meelaha ugu halista badan ee Soomaalida looga qaato madax- furashada kumanaanka doollar.

Dad badan, ayaa sidoo kale ku dhinta badaha marka ay madax furasho iska bixiyaan, inkastoo sannadihii ugu dambeeyay uu tahriibka Liibiya hoos u dhacayay.