Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo ka Hadlay Dagaalka Bariga Laascaanood

Laascaanood (aftahannews):- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo deegaanno ka tirsan gobolka.

Wasiir Caateeye, ayaa sheegay in Ciidanka Millateriga Somaliland iska difaacay weerarro ay ku soo qaadeen Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland oo ay ka garab dagaallamayaan Alshabaab iyo Ciidan Beeleedyo deegaanka ah iyo kuwo dedgaanno kale ka yimi.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo faahfaahinaya dagaalka, waxaannu warkiisa idinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-