Saylici oo Golaha Wakiillada u Soo Jeediyey inay Tallaabo Ka Qaadaan Cabdirisaaq Khaliif

 Hargeysa (aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ka baxay xayndaabkii Somaliland, isla markaana Mudanayaasha Golaha looga fadhiyo inay waajibaadkooda sharci ka gutaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo waraysi siiyay warbaahinta qaarkeed, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland, ka dib markii uu taageeray go’aamadii Garaaddada ku sugan magaalada Laascaanood soo saareen horraantii February 2023-ka.

Saylici oo arrintaa ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waxaan aamminsanahay Cabdirisaaq in uu ka tallaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagan tahay in aan isku toosinno amma isku dhalliilno xayndaabkeenna, ee loogu doortay in uu Guddoomiyihii golaha Wakiillada noqdo.”

Madaxwwynu ku-xigeenku waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu taageeray guddida 33-ka ah ee Sool oo uu sheegay in aanay cidina dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka bulluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Waxaanu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Saylici uu u soo jeediyey Xildhibaannada Golaha Wakiilladu inay ka qaadaan tallaabo ku habboon Guddoomiyahoodu, maaddaama oo uu ka horyimi Qaranka uu u dhaartay.

Saylici waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay Guddoomiye Khaliif; “Waxa uu sameeyay hadallo ku dardar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ‘Ciidammadu Rag bay guryo kala baxeen iyo Dad ayay gawaadhi kala hadheen oo ay laayeen,’ waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in uu taageersanyahay go’aamadii ay soo saareen Garaaddadu, waxaanu Ciidammada Somaliland ku eedeeyay in ay duqayn ka geysteen magaalada Laascaanood.