Maraykanka iyo Soomaaliya oo Heshiis Cusub Kala Saxeexday

Muqdisho (aftahannews):- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaalya Larry Andre, ayaa kala saxeexday heshiis la xadhiidha tayaynta Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee Danab.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya,  ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay mid lagu xoojinaayo tabobbarrada iyo qalabeynta Ciidammada Kumaandooska Danab, si ay uga hortagaan khataraha ka imanaya kooxda Al-Shabaab.

Munaasibadda ay heshiiskan ku kala saxeexdeen Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Cabbaas Amiin.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab, isagoo xusay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha iyo tayaynta awooda ciidamada xoogga dalka.

Dowladda Maraykanka, ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

Bishii Janaayo ee sannadkaan 2023 ayay aheyd markii Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya uu ku wareejiyay wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya hub, agab ciidan iyo gaadiid dagaal, taasoo uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga in dowladda Mareykanka ay ugu talagashay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.