Qaraxyo caawa gilgilay Caasimadda Jabuuti iyo xogaha laga helayo

Jabuuti(Aftahannews):- Laba Qarax oo badi qaybaha magaalada laga maqlayey ayaa lagu soo warammayaa inay caawa gilgileen Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti, ka dib markii sida ay goob-joogayaal u sheegeen Aftahannews dad aan la kala caddayn Rag iyo Dumar waxa ay yihiin oo Indhaha soo xidhay ay isku qarxiyeen Huteel ku yaalla magaaladaas.

Waxa warku intaa ku daray in Qaraxyadaas oo laba qarax ahaa ay sababeen dhimashada tiro aan illaa laba qof ah ugu yaran, iyo illaa tobaneeyo dhaawacmay, sida ay Goob-joogayaashu u xaqiijiyeen Weriye ka tirsan Aftahannews.

“Waxaan maqlayey laba qarax oo waaweyn, waxaana markiiba qaraxyada ka dib aan maqlay dhawaaqa Ambalaasyada goobta ku gaadhayey iyo kuwa ka soo baxayey, waxaanay Ciidammada kala duwan ee Ammaanku xidheen waddooyinka kala duwan ee Suuqyada, waxaan arkayey Meydadka dhawr qof markii aan goobta gaadhay.” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Goob-joogayaasha Aftahannews warkan ka helay.

Masuuliyiinta dawladda Jabuuti ayaan weli ka hadal qaraxyadaas oo dhacay abbaaro tobankii habeennimo ee Axadda caawa, hase-yeeshee waxa goobtaas iyo nawaaxigeeda la wareegay Ciidammada ammaanka dawladda Jabuuti oo baadhaya sababta qaraxyadaasi u dhaceen iyo khasaaraha ay sababeen.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta Qaraxyadaas keentay, cidda fulisay iyo xaddiga khasaaraha ka dhashay. Dawladda Jabuuti ayaa ka mid ah Dawladaha Midawga Afrika ee AMISOM ee Ciidammadu ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dawladda Soomaaliya ka caawiya dagaallada ay kula jirto Malleeshiyada Al-Shabaab, waxaanay Al-Shabaab ku hanjabtay marar badan inay Jabuuti gudaheheeda ka fulin doonaan dagaallo ay ku hoobtaan dawladda Jabuuti.

Wixii Warar ah ee ka soo kordha qaraxyadaas Aftahannews.com kala soco.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.