Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay Shirweynaha Qaran ee Waxbarashada

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha qaran ee Waxbarashada dalka, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka Waxbarashada dalka.

Shirkan, ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa 250 qof oo isugu jiray mas’uuliyiin heer sare ah oo ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, aqoonyahanno, xirfadleyaal Waxbarasho, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha Caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran, islamarkaana wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiin doono Toban kun oo Macalimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho oo ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa inaan kordhinno tirada ardayda xaadirta Iskuulada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa inaan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo inaan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macalimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iney aad u hooseyso fursadaha Waxbarasho oo ay heli karaan dhalinyarada Soomaaliyeed, taasina ay caqabad ku tahay dhisida Mustaqbalka wanaagaan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa ka dalbaday aqoonyahanada, qurbejoogta iyo kaadiriinta Waxbarashada dalka iney gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo deganaasho siyaasadeed, horumar, dhaqan dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaada dalka.