Diyaarad nooca aan Duuliyaha lahayn ah oo ku soo dhacday Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay

Baydhabo(AftahanNews):-Diyaarad  nooca aan duuliyaha lahayn ah, ayaa Sabtidii (maanta) maanta ku dhacday deegaanka Iidaale oo ka tirsan gobolka Bay ee Koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya.

Teaser Image Diyaarad Nuuca Basaaska ah oo Gobolka Baay ku soo dhacady

Wararka ayaa sheegaya in Abaaro 12:00 Duhurnimo ee maanta Diyaaradaasi oo ah Nooca aan duuliyaha wadan ay ku soo dhacday Deegaanka iidaale ee Gobolka Baay ee koonfurta somaliya

Malaaq Muuse Xasan Madeey oo ka mid ah Waxgaradka Deegaanka Iidaale ayaa warbaahinta ka hawl gasha degaanda u xaqiijiyey in Diyaarada ay halkaasi ku soo dhacday islamarkaana aysan geeysan wax Khasaaro ah.

Malaaqa ayaa intaa ku daray hadlkiisa in Wax yar ka dib goobta ay soo  gaadheen Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab,kuwaa oo dadka u diiday in ay Daawadaan diyaaradan

Ilaa hada lama oga halka laga leeyahay Diyaaradaasi Nuuca wax basaasa ah ee maanta ku soo dhacday Gobolka Baay ee koonfurta somaliya gobolkaas oo ay gacanta ku hayso Ururka alshabaab ee dhibaatada ku haya umada somalyeed

Aftahan News

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargaisa/somaliland