Wasiirkii Amniga Soomaaliya oo is casilay iyo sababaha ku kallifayay oo uu sheegay

Muqdisho(AftahanNews):- Wasiirkii Wasaaradda Amniga Qaranka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa caawa shaaca ka qaaday inuu xilkaas iska casilay.

wasiirka-arimaha-gudaha

 

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shir jiraa’id ku qabtay Hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in xilkaasi uu iska Casilay. waxaa uu ku sheegay in sababta iscasilaaddiisa in Ammaankii dalka uu Habac ku yimid, isla markaana uu isku casilay in is-beddel la helo oo uu “Dariiqa u banneeyo” Dad Cusub, sida uu sheegay.

Waxaana Iscasilaada Cabdikariin Xuseen Guuleed ay imaaneysaa xilli Malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay soo Weerareen Xuruunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah Hay’adaha ugu sareeya Dalka. Warbixin ku saabsan iscasilaada Wasiirkii kala soco Aftahan news sacadaha soo socda

AftahanNews.com

Mohamed Bashir Nur Giriig

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargaisa/somaliland