Somalia: Dowladda oo Amar ku Soo Rogtay Shirkadaha Isgaadhsiinta

Muqdisho (aftahannews):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aammada guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag dhaqidda iyo la dagaallanka maalgelinta Argagixisada (NAMLC), kaas oo soo baxay 14-kii Febraayo 2023, isla markaana khuseeyay Shirkadaha Isgaarsiina dalka, oo lagu  amray iney si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’adda, ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay iney waajib tahay in adeegooda Lacagaha Taleefanka gacanta la isugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee dowladda oo ay hubiyaan in adeegyada lacagaha taleefannada la iskugu diro ee saaran shabakadahooda iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xaddidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aanada Guddiga Sare ee NAMLC.

“Shirkadaha Isgaadhsiinta waxaa la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaarada dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood, Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Hay’adda Isgaadhsiinta Soomaaliya. 

Gebagabadii Hay’adda Isgaadhsiinta Qaranka, ayaa ugu baaqday Shirkadaha Isgaadhsiinta dalku inay u hoggaansamaan dhammaan go’aanada Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.