Baanka Adduunka, Hay’adda IMF iyo Soomaaliya oo Shir uga Furmay Nairobi

Nairobi (aftahannews):- Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa maanta Shir uga furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkan oo ay hormuud ka tahay  Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin sharuudaha barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo horumarinta hanaanka guud ee Maaliyadda dalka.

Waxa sidoo kale arrimaha shirka looga hadli doona ka mid ah sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka deyn cafinta Soomaaliya loona gaari lahaa barta dhamaystirka deyn cafinta ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan furay ayaa sheegay iney muhiim tahay fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

“Waxa maanta noo bilowday dib eegistii 5-aad ee barnaamijka ECF aan leenahay Hey’adda IMF. Waxaan uga hadli doonaa horumarka aan ka samaynay kicinta dakhliga gudaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo Dowlad wanaagga. Waxa naga go’an in aan sii xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda dalkeena” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Waxaa sidoo kale shirkaan ka qeyb galaya, Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Caddaaladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Wakiilada Hay’addaha IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hay’addaha kale ee taageera dowladda Soomaaliya.