Mustafoow yaanay noqon; “Karis xun, iyana wax ku la’!” W/Q: Mustafe Ciise

Bilowgii furista ururada waxaanu socdaal ku tagnay magaalada Jigjiga, halkaasi oo aanu kula kulanay Mustafe Cagjar madaxweynaha Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulankaa waxaan ka mid ahaa ragga doonaayay inay ku qanciyaan in uu naga caawiyo arrimo lagu taageeraayo ururka aanu wadanay ee SHACABKA, sida in uu nagala hawlgalo sidii aanu u diiwaangelin lahayn dadka ay isku deegaanka ka soo jeedaan hogaamiyihii iska casilay ururka Shacabka Mr. Xaglatoosiye iyo qaar kale

Maalintaa waxaan ka markhaati ahay in Mustafe Cagjar uu si cad noogu sheegay in uu hogaamiyo dawlad deegaan ay ku nool yihiin qabaa’il badan oo aanu doonayn inuu dhexgelo arrimaha Somaliland, si aan loogu arag inuu caawiyay nin ay isku hayb guud yihiin.

Sidoo kale waxa uu noo shaagay in haddii uu arrin xaga Somaliland ah uu wax ka qaban lahaana ay noqon kari lahayd oo keliya mid ka timaada dhinaca xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Aniga oo isku dayaaya inaan arrinkaa ku qanciyo, marka aan dareenkiisa arkay ayaan Mr. Cagjar u sheegay in gacan ka gaysashada ururka Shacabka ay tahay in uu caawiyay wada jirka Somaliland, maadaama aanu garanay in Somaliland u baahan tahay in laga wada qayb qaato siyaasadeeda, waxana aan u sheegay in ay ii muuqato in haddii xisbi ahaan la soo saaro Shacabka in laga shaqeeyay isku duubnida dawladnimo iyo wada jirka dalka, haddii taasi badbaadana ay dawlad deegaanku iyana ka badbaadi doonto fidno kaga soo fida xagga Somaliland oo qayb ka ah nabada Kililku ku hurdo maadaama ay xuduuda dheer Somaliland ilaaliso, haddii taa la waayana ay DDS lafteedu uu soo gaadhi karo dabka ka shidma Somaliland.

Waxa xaqiiq ah sida Garaad Jaamac uu waraysigii uu Bakayle siiyay ku sheegay in kacdoonka la doonaayay in Sool lagaga saaro Somaliland uu ka soo bilowday Jigjiga, halkaasina ay is afgarad ku soo gaadheen reer Khaatuma.

Sidoo kale waxa ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay ku qabatay dagaalada Laascaanood askar ka tirsan Liyuu booliska, halka aynu habeen walba ka daawano TVyada odayaal iyo madaxdhaqameed reerka madaxweyne Mustafe ah oo Kililka dhexdiisa shirar jaraa’id ku qabanaaya oo ku soo hanjabaaya inay u soo hiilin doonaan walaaladood reer Sool, iyadoo aanu aakhirkii aragnay kuwo Laascaanood dhexdeeda ka soo hanjabaaya oo lagu soo dhawaynaayo.

Haddaba waxaan lee yahay laba eray oo ku jiray hadalka DDS Ethiopia ay kaga jawaabtay warsaxaafadeedkii xukuumadda Somaliland waxa ay u muuqdaan qaar wiiqaaya xidhiidhkii aanu muddo ka shaqaynaynay inay toos u wada yeeshaan Somaliland iyo DDS Ethiopia, kuwaasi oo kala ah :-

* In xukuumadda Somaliland ay eedayntaa ka doonayso nefis gudaha ah iyo mid dibadeedba.

* Iyo in uu markii ugu horeysay Somaliland ugu yeedho ” Maamul”.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan odhan lahaa Madaxweyne Mustafe anigoo wanaag kula jecel inaad arrinkaa si qoto dheer uga fiirsato oo aanay ku qaadin caadifad iyo qaybaayalad, sida Inaadeerkaa Faarax Macalin, haddii kale waxay noqon doontaa ” karis xun iyana wax ku la'”.