Maamulka Mustafe Cagjar oo Ka Gubtay Eedayn Somaliland ugu Jeedisay inuu Ciidan keenay Laascaanood

Jigjiga (aftahannews):- Dowlad-deegaanka Soomaalida, ayaa ka jawaabtay Ciidammo ay Somaliland sheegtay inay ka soo tallaabeen dhanka Xadka Dowlad-deegaanka Soomaalida, isla markaana ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo ka garab dagaallamaya Jabhadaha deegaanka iyo ciidammo ka kala yimi Puntland iyo Soomaaliya, sida ay Xukuumaddu sheegtay.

Shirkii golaha  wasiirrada Xukuumadda Somaliland ee Khamiistii maanta, ayaa war ka soo baxay loogu baaqay Ciidammada Huwanta ah ee ka kala yimi Ethiopia, gaar ahaan deegaanka Soomaalida, Puntland, Soomaaliya iyo Jabhadaha hubaysan ee deegaanku ay ka baxaan magaalada Laascaanood iyo dalka Somaliland, maaddaama oo ay xuduudaha ka soo tallaabeen.

Haseyeeshee, War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowlad-deegaanka Soomaalida galabta, ayaa lagu sheegay  in colaadda ka jirta Laascaanood aanay qayb ka ahayn Ciidammada Liyuu Booliska deegaanka Soomaalidu.

‘Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland in aanay jirin ciidan ka tirsan Dowlad-deegaanka Soomaalida oo qayb ka ah colaadda Laascaanood, waxaanan cambaareynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, Warka ayaa lagu sheegay in Dowlad-deegaanka Soomaalidu uu in badan dulqaad ka muujiyey eedaymo iyo dacwado uga yimid dhinaca Somaliland oo ku saabsan colaadda Laascaanood.

Dhinaca kale, War saxaafadeedkan ayay dowladd Deegaanku ku sheegtay in Somaliland ay farta ku fiiqayso cadow aan jirin. “Waxaa muuqata in maamulka Somaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin, si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibedda ee la xidhiidha xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.” Sidaa ayaa mar kale lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Ugu dambayn, Xukuumadda degaanka Soomaalida,  ayaa Somaliland ugu baaqday inay ka waantawdo hadalladda iyo ficillada kala fogeyn kara Shacabka  Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland.

War saxaafadeedkan, ayaa ku soo beegmay xilli maanta shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Soomaaliland ay ku sheegeen in dagaalka ka socda Laascaanood ay qayb ka yihiin ciidamada Dowlad-deegaanka degaanka Soomaalida ee Liyuu Booliska oo xadka ka soo tallaabay,  waxaanay Somaliland ku baaqday inay Laascaanood iyo guud ahaan dalkeedaba ka baxaan Ciidammada xuduudaha ka soo gudbay.

Dagaalka Laascaanood, ayaa bilaabmay lixda bishii Febraayo 2023-ka, waxaana muddada uu dagaalku socday soo baxay warar sheegaya in Askar ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliska deegaanka Soomaalida ay ku dhinteen dagaalka, inkastoo aanay dowladda Somaliland sidan ay maanta u caddaysay oo kale u iftiimin.