Dalalka Jaamacadda Carabta oo Digniin u Diray Itoobiya

Qaahira (aftahannews):- Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay ka digay cawaaqibka ka dhalan kara Biyo-xidheenka ay Itoobiya ka binaysay Biyaha Webiga Niil, kaasoo ay Masar iyo Suudaan aad uga soo horjeedaan, khilaafkiisana aan weli xal loo helin.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee dowladaha Jaamacadda Carabta, ayaa ka digay Biyo-xidheenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo webiga Niil ee ay isku khilaafsan yihiin waddana Masar iyo Sudan oo ka soo horjeeda qaabka Itoobiya u hirgelisay Biyo-xidheenka.

Bayaan laga soo saarey Shir ay Wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Jaamacadda Carabtu ku yeesheen magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayey ku sheegeen, in Biyo-xidheenka #Ethiopia uu khatar weyn ku yahay ku-tiirsanaanta Masar ee biyaha Webiga Niil.

Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay muujiyeen sida ay dalalka Jaamacadda Carabta ku midoobay diyaarka ugu yihiin inay difaacaan danaha Carabta, iyadoo Jaamacadda Carabtu dejisay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka ah, isbeddelka cimilada iyo arrimaha dalalka Carabta gaarka u ah.

Jaamacadda Carabtu waxay ballan-qaadday inay sii wadi doonto inay la xidhiidho dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah; si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee dhibaatada joogtada ah ku hayso dawladda Yuhuudda ee Israel.

Dowladda Masar, ayaa doonaysa inay dalalka Carabta ku qanciso Itoobiya inay aqbasho heshiis sharci ah oo ku saabsan buuxinta Biyo-xidheenka Webiga Niil oo dhawr jeer ay buuxisay Itoobiya tan iyo 2021-kii, iyadoo ay Dalalka Suudaan iyo Masar ay isku mari waayeen Itoobiya inay heshiis ka gaadhaan khilaafka biyaha Webiga, waxaana lagu kala kacay dhawr kulan oo laysugu keenay sannadahan u dambeeyey.

Dowladda Itoobiya, ayaa biyo-xidheen ka dhisaya Wejiga Niil, taasoo Masar ay ka cabsi qabto inay hoos u dhigto saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha Wabiga.

Shirka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar Sameh Shoukry ka hadlay, waxaanu sheegay inuu doonayo in dalalka Carabtu ay ku cadaadiyaan Itoobiya inay aqbasho mid ka mid ah xalalka tanaasulka ah ee lagu soo bandhigay miiska wada xaajoodka.