Somaliland oo Sheegtay in Ciidammo ka Soo Tallaabay Dowlad-deegaanka Soomaalidu Laascaanood Joogaan

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Ciidammada huwanta ah ee Ciidanka Millateriga Somaliland kula dagaallamaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ugu baaqday inay si dhaqso ah oo nabad ah uga baxaan magaaladaas iyo guud ahaanba dalka, maaddaama oo ay ka soo tallaabeen Puntland, Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo deegaanno kale.

Fadhigii Golaha Wasiirrada ee Khamiista maanta oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qodobkaas iyo kuwo kale ay kaga doodeen Wasiirradu, waxaanay doodda ka dib soo saareen go’aammo dhawr ah oo xaaladdaada guud ee dalka iyo colaadda Laascanood ku saabsan.

War-Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Fadhigii 108-aad ee Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobbo dhawra, sidoo kalena warbixinno lagaga dhegeystay qaar ka mid ah golaha wasiirrada.

Qodobbada Shirka Golaha Ka Soo Baxay Waxay U Dhignaayeen Sidan:-

1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga markhaati kaceen Beesha Caalamku in aan Xeebaha Somaliland marnaba ka dhicin wax Falal budhcad badeed ahi.

2) In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia:-

3) Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.

4) Goluhu waxa uu ku boorinayaa in Shacabka Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ahi in ay sii xoojiyaan taakulada binu-aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo Xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

5) Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland sida Xilkasnimada leh ee ay u dhawreen, una fuliyeen go’aankii xukuumadda ee ahaa inay ku sugnaadaan fadhiisimadooda.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.