Badbaadinta Laascaanood waa Badbaado Qaran – WQ: Xuseen Cali Nuur

Suxufi Xuseen Cali Nuur

Huwanta is bahaysatay, gabbaadkana ka dhigatay shirbeeleedkii  Laascaanood, go’aankoodii weerarkii ku xigay, waxa uu bilow u ahaa dagaal qorsheysan oo la soo abaabulay muddo aan ka yareen 15 sano. Xilligaa oo maamulkii Puntland  ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ka saareen magaladaa.

Dagaalka xulufada is bahaysatay, waxa loogu bilaabay magaalada Laacaanood , iyadoo cadawgu u arkay iney beeshu ka mid noqotay JamhuuriyaddaSomaliland, himiladoodiina ay curyaamisay.

Sheeko iyo shaahid laguma sheegin, laguma arag lagumana maqal degaan Soomaaliyeed oo  ergo wadahadal iyo nabad isu diyaarisay oo weerar lagu soo qaaday.

Lamana arag cidda gogosha u  dhigta shirka oo laga afduubo. Waxaanay taasi ku dhacday, iyadoo mawqifkooda u noqon waayey mid ay u bogaan, xulufada isbahaysatay.

Xulufada Jamhuuriyadda Somaliland soo weeratay baaq nabadeed iyo xabbad joojin kasta oo loo soo jeediyey way u cuntami waayen. Waxa kaliya oo muuqdeyna waxay ahayd Somaliland oo aan la aqoonsan weli, in aqoonsi u soo dhow yahay, kana hortagayeen. Waxa intaa u dheer iyagoo aaminsan in khayraadka dalka oo laga faa’iideysto u dalkan ka dhigi doono mid horumaray oo difaac weyn yeelan doona.

Dagaalkan muddada socday iyo hubka kala duwan ee ay adeegsanayaan, maaha mid beeli yeelan karto; balse wuxuu muujinayaa in xulufo isbahaystay oo burburka dalkeennan doonayaa ay ka dembeeyaan.

Waxa tusaale noogu filan nooca hubka ay adeegsnayaan iyo taliyayaasha hoggaaminaya oo ka tirsan ciidammada Puntland  iyo kuwa lagu sheegay iney ka soo firxadeen Soomaaliya .

  • Waxa ayaan-darro ah inxisbiyada siyaasiga iyo ururrada siyaasadeed ee dalka ka jira qaar ka mid ihi, ay isbar bar dhigayaan – mudaaharaadyadii ka dhacay Hargeysa, Burco iyo Ceerigabo iyo weerarka Jamhuuriyadda Somaliland ay cadowgu ku soo qaadeen ee ka socda Laascaanood.
  • Waxa ayaan-darro ah in warbaahinta guud ee dalka iyo baraha bulshadu ay xaaladda dagaalka ka socda Laascaanood iyo ag-agaarkeeda ay uga hadlaan sidii mid ka dhacaya dunida kale.
  • Waxa ayaan-darro ah inay ka gaabsadeen, oo aanay ku sheegin in dagaalku yahay mid dhex maraaya ciidanka qaranka ee dalka iyo dadka daafacaaya iyo cadow Jamhuuriyadda Somaliland soo wareeray. Waxaad mooddaa iney dagaalka dhacaaya qaarad kale ka warramayaa.

Waxa is weydiin mudan :

  • Ma 30kii sano ee xornimada iyo nabadda ay ku noolaayeen ayay ku illoobeen in cadawgii dalka burburiyey, in uu weli ku hamiyayo in uu gacanta mar kale ku dhigo dalkeenna hooyo.
  • Ma siyaasiyiinta ayaa arkaya cadow aan noo muuqan? Haddii cadowgaasi jiro maxay shacbiga uga qarinayaan?
  • Maxay ururrada siyaasadeed iyo xisbiyada doonaya iney hoggaanka dalkan qabtaan uga hadli laayihiin weerarka dalka lagu soo qaaday?
  • Maxay ururrada bulshadu ugu damqan laayihiin dhibaatada bara-kaca iyo qaxa ee haysata muwaadininnta reer Laacaanood haysata?
  • Ma culimada ayaan u arkeyn in cadowga dalkeenna weeraray ee dhibaatada maatada iyo bir ma geydada loo geestay, iney waajib tahay in laga difaaco, lagana badbadiyo?

Waxaan leeyahay qof ksta oo muwaadin ah, oo u damqanaya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacbiga in uu qayb ka qaato , kaalinta kaga aaddan badbaadada dalka iyo dalka.

{BARAKACA IYO QAXA MAANTA HAYSTA REER LAACANOOD HORAAN U SOO MARNAY. Waxaana noo geestay xulufada weerarka soo qaadday qaar ka mid ah. Allahayoow xaqa na garansii, midnimadana noo adkee}.

Faalo: Xuseen Cali Nuur.