Sool, Sanaag iyo Cayn – Waxa Qoray Ibraahin-Hawd Yuusuf

IBRAAHIN-HAWD

Khilaafka Laascaanood haddii la Daaroodeeyo, oo Geeska Afrika la isaga habarwacdo, xaqa Dhulbahante ee xalaasha ah aniga iyo qof kale toonna akhlaaq ahaan ma difaaci karo, run ahaantii. Eex iyo xadgudubna anigu ku ma jiro, runtana la ii ga ma dhakowsiiyo.

Aynnu ka bilowno xaqiiqadan. Iyada oo aan qof Isaaq ahi juuq ka celin, dhawr iyo toban sano waxaa la gu soo celcelinayay halhayska ah “Sool, Sanaag iyo Cayn”. Haddaba waa maxay Sool, Sanaag iyo Cayn xaqiiqo ahaan? Maxaa loo ga jeedaa? Sidee ku yimid halqabsigan meel walba ka dhacay? Maxaa se Isaaqu intaas oo dhan u ga aamusnaa oo u ga falcelin waayay?

Sool, Sanaag iyo Cayn waa eray halgameed Soomaalilaand liddi ku ah oo ay samaysay jabhaddii SSC iyo mataanteedii Khaatumo, ujeeddaduna ahayd in Dhulbahante helo maamul goboleed. Sida dastuurka Soomaaliya qorayo, maamul goboleed waxaa is ku noqon kara laba gobol iyo ka badan. Hadddaba jabhaddaasi wax ay hindistay in ay faafiso dacaayad ah in ay u halgamayso saddex gobol oo magacyadoodu yihiin Sool, Sanaag iyo Cayn.

Haddii arrintu sidaa ahayd, saddexda gobol aynnu macnaynno.

  1. Cayn ma aha gobol siyaasad ahaan jira, oo Soomaaliya weligeed ma ay magacaabin gobol Cayn la yidhaahdo. Taariikh ahaan Cayn waxaa ahaa degmada Caynaba iyo ceelasha iyo daaqsinta ku meersan, waana degaan leh dabeecadda loo gu magacbixiyay oo ah il ama ilo. Dhulkaa waxaa dega qabiilka Habar Jeclo. Laakiin qolada jabhadda Dhulbahante wax ay Cayn u bixiyeen degmada kale ee Buuhoodle, taas oo dhul ahaan ka tirsan Ciid iyo Hawd, siyaasad ahaanna ka tirsan gobolka Togdheer. Haddii se jabhaddu Buuhoodle gobol Cayn la yidhaahdo u la baxday, waa degmo u qaybsan Dhulbahante iyo Habar Jeclo, oo ay si is la’eg u wada degaan, iyada oo magaalada Buuhoodle Dhulbahante u gaar tahay.
  2. Sanaag waa gobolkii awowyada soomaalida, oo la yidhaahdo dadkuba halkaas buu ka soo tafiirmay. Gobolkaa degmooyinkiisa waxaa wada leh Isaaq iyo Warsangeli, laakiin Dhulbahante daaqsin uu ka soo gaadho mooyee wax degmo ah ku ma laha. Markaa adeegsiga magaca “Sanaag” waa hadal aan wax macne ah lahayn.
  3. Sool waa gobolkii Maxamed Siyaad ka jaray gobolka Togdheer sannadihii dabka SNM ku shidnaa si uu reeraha u ka la qaybiyo oo isu gu diro. Laakiin afarta degmo ee gobolka, magaalada Laascaanood oo ah xarunta waxaa leh Dhulbahante, Taleex waxaa leh Dhulbahante, Xuddun waxaa wada leh Dhulbahante iyo Sacad Yoonis, Caynaba oo ah magaalada labaad ee gobolka u gu bulsho badan waxaa leh Habar Jeclo, tuulooyinkuna sidaas bay u qaybsan yihiin.

Taa macnaheedu waxaa weeye, Sanaag ma jirto, Cayn ma jirto, Sool waa la wada lee yahay, sidaa darteed halhayska Sool, Sanaag iyo Cayn waa dhalanteed.

Isaaqu maxay intaas oo sano u ga falcelin waayeen adeegsiga halhayska Sool, Sanaag iyo Cayn? Sababta oo ah Dhulbahantaha ayay ogaan hadalka u gu daynayeen oo u gu sedburinayeen, iyaga oo is lahaa Soomaalilaand-nimada ku wada jira oo qabyaalad ha tusina.

Haddaba aqoonyahanka iyo siyaasiga Daarood ee af iyo addinba duullaanka ah, ee malleeshiyaadka soo abaabulaya, ee leh dhul Daarood baan xoraynayaa iyo maamul goboleed baan samaynayaa, bal umadda Soomaaliyeed hadalkaa aan qoray ha ka la doodo oo af la fahmi karo ha ku qanciyo.

Ibraahin-Hawd Yuusuf