Madaxweynaha Soomaaliya oo Caawa Safar ku tagay dalka Qatar

Doha (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka degay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, iyadoona safarkan aan hore loo sii shaacin.

Xasan Sheekh, ayaa dalka Qatar kaga qeyb-galaya shir ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey oo u gaar ah dalalka soo koraya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa, ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, ayaa waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya shirka.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yidhi nuqul ka mid ah qoraal ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta aanu ka dhoofin Muqy wuxuu socdaal ku joogay deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo madaxda maamulkaas uu kulamo kula yeeshay, isagoo booqday deegaano fog-fog oo ka tirsan gobolkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu waday inuu u safro gobolka Gedo oo jaha-wareer maamul uu ka jiro, isagoo Jimcihii balan qaaday inuu Gedo tegayo oo dadka gobolkaas ku nool uu soo dhageysanayo tabashooyinka ay qabaan.